Hargaysa 05. May 2017 (SDN/QJ):-Md.Axmed Muxumed Madar oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo Markii uu Ku guulaystay hogaaminta dalka Sannadkii 2010-kii u Magacaabay Gudoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq Maasuqa ayaa Shaaciyey inuu iska Casilay Xilkaas.
Axmed Muxumed Madar oo Kulan Warbaahineed ku qabtay hoyga uu ka degan yahay Magaaladda hargaysa ayaa dhalliilay guddida la dagaalanka musuqmaasuqa ee dhawaan uu Madaxweynahu dar-dar-geliyey hawlahooda shaqo oo uu sheegay in aanay suurto-gal ahayn in wakhti xaadirkan wax laga qabto musuqmaasuqa xadhkaha goostay maadaama aan hore waxba loogga qabanin mudadaa Lixda sanno aheyd ee ay jirtay Xukuumadda KULMIYE.
https://www.youtube.com/watch?v=ElUJoiB2rOk
