|

Gudoomiyihii Hore ee Kooxda Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax oo Shaaciyey Inuu Guud ahaanba Kooxdaasi ka Baxay

Hargaysa 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee Kooxda Fanaaniinta Xidigaha GEES-ka Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa waxa uu sheegay inuu ka baxay gebi ahaan-ba Kooxdii Xidigaha Geeska.balse waxa uu ku dooday inaanu ka bixin fankii.

LAABSAALAXXasan-Dhuxul waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu maanta soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com, balse ma caddaynin sababta uu uga baxay Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Gees-ka.

Xasan-DHUXUL oo wakhtigan socdaal ku jooga dalka Turkey-ga ayaa waxa uu xusay inuu noqon doono Saaxibka Xidigaha Geeska oo uu dibadda ka joogayo.

“Xidigaha Geeska ma jecli inay dib-u-dhacaan, inay horumaraan moooyee, waayo ninkii magaca weyn ee Xidigaha bixiyay-ba waa aniga (Xasan-DHUXUL).Hadana markaan eegay arrimo baddan darteen waxaan go’aansaday inaan ka baxo kooxda Xidigaha Geeska. Hadaan Xidigaha ka baxayna macnaheedu maaha inaan Fankii ka baxay.

Markasta waa saaxiibaday

Markastana waa Walaaladay

Kuwaan magaca ku dhex-yeeshayna waa iyaga

Hadana waxaan isku qanciyay inaan noqdo saaxiibkood oo dibada ka jooga xumaan li’i”

Comments are closed