|

Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ballan qaaday in uu dabo galo soo galootiga

Washington 29.August 2016 (SDN/QJ):-Murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu samayn doono hanaan lagu dabo galo dadka dalka soogala si ay xukuumadda uga caawiso xakamaynta soo galootiga.

Donald TrumpIsaga oo ka hadlaya mudaaharaad ka dhacaya lowa ayuu hoosta ka xariiqay wax uu ugu yeeray barnaamijka “Soo-Galid-Bixid” oo lagu dabo gali doono dadka dal ku galka ku soo gala balse sii jooga marka uu wakhtigu ka dhamaado.

Waxaa kale oo uu ku adkaystay sida uu u taageersan yahay in darbi laga dhiso xadka koonfureed ee ay Maksiko la wadaagaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu joojin doono lacagta samo falka ah ee la siiyo dadka soo galootiga ah

Trump wuxuu sheegay “in haddii aan la dhaqan galinin ilaalinta wakhtiga uu dhacayo dal ku galku in taasi ay taasi ay ka dhigan tahay xuduudaha dalku ay iska furan yihiin.

Soogalootiga ayaa xudun u ahaa mawduucyada uu Trump ku ol’olaysanayay qaybtii hore ee doorashada xisbiga gudihiisa.

Todobaadkan horaantiisii ayuu bidhaamiyay in uu dabcin doono siyaasaddiisa soo dhanka socdaalka.

Isaga oo horay u tilmaamay in uu dalka ka eryi doono 11 milyan ee sharci darada ku joogta dalka ayuu hadda sheegay in taas badalkeeda uu dalka ka eryi doono dambiileyaasha oo kali ah.

Durbana wuxuu la kulmay dhaleecan kaga timid dhanka midig ee xisbiga jamhuuriga, Gafernatoorihii hore ee gobolka Alaska Sarah Palin ayaa uga digtay in uu “waji gabax ballaaran kala kulmi doono” hadduu sii wado qorshihiiisa lagu masaafurinayo dhamaan dadka aan sharciga haysanin.

Comments are closed