|

Gurmadka Ha Lagu Daro Wax ka Qabashada Masiibo-ka-Macaashka (Profiteering)

Dhulalka miyiga ee abaaruhu ka jiraan dadku biyo iyo baad wixii ay hayeen waxay la wadaagayaan dadkooda kasii daran ee kusoo hayaamay. Waxa weli nool dhaqankii wax isa siinta iyo is-gacan qabashada marka aafo timaaddo.
Dhinaca magaalooyinku inta badan ganacsatadu waxay iyagu ku mashquulsan yihiin sidii ay macaash badan uga sameyn lahaayeen masiibadaa abaaraha iyo sicir bararka. Iyaga oo qarinaya ayey yidhaahdaan waxbaa kala go’ay si qiimuhu u kaco. Waxay sameysteen ururro iyo is-afgarad keena in aan qiimaha lagu tartamin. Sida shuruucda ganacsigu dhigayaan waa fal dambiyeed in shirkado tartamayaa ay ka wada hadlaan qiimaha alaabta ama adeegga ay bixiyaan.
Markii uu bilaabmay Covid-19 ayaa Face Mask-yo kasoo hadhay kuwii aannu dawladda ku wareejinay farmasiyada ka siinnay $7 xidhmada 50-ka xabbo ah. Waxaannu kula heshiinay in ay $10 ku tafaariiqeeyaan oo haddii intaa wax ka badan ay ku iibiyaan aannaan mar dambe u keenayn. Isla maalintiiba kii ugu horreeyey wuxu ku tafaariiqeeyey $100 xidhmadii laga siiyey $7 (oo uu ka macaashay 1,429%), kuwii kalena wax ku dhow ayey ku iibinayeen. Waa wakhtigii xanuunku cusbaa ee cabsida laga qabay in uu dad badan layn doono.
Dhaqankii iyo iimaankii wanaagsanaa wuu ka lumay badiba ganacsatada magaalooyinka waaweyn. Kolkaa waxaynu u baahan nahay shuruuc iyo siyaasad adag oo xakameysa “profiteering”-ka ama masiibo-ka-macaashka baahsan ee sii kordhaya.

Comments are closed