|

Guusha Hogaamiyaha Jarmalka ee Angela Merkel waa mid aan cago badan ku taagnayn

Berlin 26. September 2017 (SDN/QJ):- Angela Merkel waxa ay u muuqatay qof aad u daalan markii ay kasoo muuqatay xarunta dhexe ee xisbigeeda CDU markii ay dhamaatay doorashadii.

Markii ay gaariga kasoo dagaysay, waxa ay isu diyaarisey in ay u dhoolo caddayso kaamirooyinka warbaahinta iyo waliba dadkii badnaa ee xisbigeeda ka tirsanaa ee xarunta ku sugnaa.

Hoggaamiyaha Jarmalka waa ay iska sii ogeyd in ay ku guulaysan doonto doorashada, balse ma ahayn guushii ay rajaynayeen iyada iyo xisbigeeda in ay gaaraan.

Waxa ay ahayd doorasho ay ka heleen natiijadii ugu xumeyd ebed tan iyo intii ay xilka qabatay.

Waxayna tani ka dhigantahay in malaha ay ka dhalatay siyaasadeeda u dabacsan dadka magangalyo doonka ah ee xudduudaha loo furey.

Iyada oo la hadlaysa xubnaha xisbigeeda ayay Merkel qiratay in 4tii sano ee lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwa aad u adag, sidaasi oo ay tahay xisbiga uu kaalinta koowaad ka galay doorashooyinka.

Sawaxanka goobta ee guusha loogu dabaaldagayo waa mid uusan dhawaaqeeda dheerayn, sababtoo ah guusha rasmiga ah waxa ay la jirtaa xisbiga kale ee AfD.

Daafta kale ee magaalada meel qol ah waxaa isugu yimid xubno ka tirsan xisbiga dadka soogalootiga ah neceb , kana soo horjeeda midoowga Yurub ee AfD loo yaqaano, waxa ay u dabaaldagayaan guusha weyn ee usoo hoyatay.

Kaliya ma aysan ku biirin baarlamaanka Jarmalka, ee sidoo kale waxa ay uu xisbiga noqday kan seddaxaad ee ugu weyn dalkaas.

Alexander Gauland waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha AfD, kana mid ah xildhibaanada xisbigan baarlamaanka u galay, wuxuuna taageerayaasha xisbiga u sheegay in ay dhulka la gali doonaan Merkel.

Hase yeeshee hadalada nacaybka ah ee xisbigan ayaa dhalisay caro xoog leh, waxaana jira dad dhigaya banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan xisbiga, taasna waxa ay kaliftay in ciidammada booliiska ay illaalo ka qabtaan xarunta xisbiga AfD.

Jarmalka waxa ay u ahayd maalin qalalaase , kala qeybsanaan baahsan iyo dadka oo is-qalbi gaaray, gaar ahaan magaalada Berlin oo uu ka socday tartanka orodada sanadkiiba mar la qabto.

Mid ka mid ah dadkii tartanka daawanayay ayaa sheegay in uu aad uga walwalsanyahay sare u kicista dadka xagjirka ah “Dhammaantood waxa ay u egyihiin naasiyiintii Hitler uu u talin jirey, aniga waxaan dhashay 1939-kii, waxaan ahay ilmo dagaalkii ka badbaaday, waa dambiileyaal, waligey aniga waxaan u codeyn jirey xisbiga CDU, waxaanan rabaa Angela Merkel” ayuu intaas ku daray.

Mrs. Merkel hadda waxa ay u baahantahay in ay isbahaysi la samaysato xisbiyada kale, balse xisbiyadaas kama mid ahan AfD. Waxa sidoo kale ay tahay in ay dadka ka dhaadhiciso in ay tahay qofka ku habboon shaqada hoggaanka Jarmalka.

Ololaha wuxuu ahaa mid garaafooyin badan , Mrs. Merkel inkasta oo ay guuleysatay, haddane guushu ma ahan mid dhadhan guuleed leh.

Doorashadana waxa ay buugaagta taariikhda ku gali doontaa labo arrimood awgood, in Mrs. Angle Merkel ay markii afraad ku guuleysatay doorashada, balse ahayd guushii ugu xumeyd ee soo marta iyo arrinta kale oo ah in xisbiga midigta ee waddaniyiinta ah ay markii koowaad qeyb ka yihiin haykalka dowladeed ee Jarmalka.

Waxyaabo caadi ka ahaa dalal badan oo reer Yurub ah ayaa waxaa loo arkay in aysan suurtogal ka ahayn Jarmalka kadib dagaalkii labaad ee adduunka, balse hadda sawirkaas meesha waa uu ka baxay, wax kasta waa suurtogal.

Comments are closed