|

Madaxweynaha Turkiga oo Si adag uga Hadlay Aftida laga qaaday Kuurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq

Ankara 26. September 2017 (SDN/QJ):-  Madaxweyne Turkiga Rajab Dayid Urdugaan ayaa cambaareeyey aftida laga qaadayo Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey inay tallaabo milatari qaadi doonaan haddii loo  baahdo, hadalkan madaxweyne ayaa yimid ka dib markii afti madaxbannaani ah laga qaaday kuridiinta ku nool waqooyiga Ciraaq shalay isniintii.

Codeynta ka dhacaysay deegaanno uu khilaaf ka taagan yahay oo u dhexeeya caasimada Ciraaq ee Baqdaad iyo caasimada waqooyiga ee Irbil iyo weliba gobolka saliida qaniga ku ah ee Kirkuk oo gobol ay ku nool yihiin qoomiyado isku dhafani.

Madaxweyne Urdugaan oo khubad u jeedinaayey shacabka ku nool magaalada Istaabuul ayaa sheegay inay ciidamada Turkigu joogaan xuduuda ay la leeyihiin dalka Ciraaq oo ay qaban doonaa wax ala wixii suutagal ah. Wuxuu intaasi ku daray inuu Turkigu xayiraad saari doono xaliida ka timaada deegaanada Kurdiyiinta, sidoo kale wuxuu sheegay in aanay cidna ka iman Karin Turkiga oo aanay gelin Karin ciraaq, wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad wiiqan, xuddudana ay xidhi doonaan.

Urdugaan wuxuu sheegay markay joojiyaan saliida ka imanaysa deegaannada Kurdiyiinta bal inay eegi doonaan cida saliida ka iibsata, xitaa waxa dhulkayga maray dhuumaha saliida qaada ayuu raaciyey.

Kurdiyiinta waqooyiga ciraaq waxa ay saliida u dhoofiyaan dalka Turkiga iyo koonfurta dalkaasi, waana meelaha ugu weyn ee dhaqaaluhu ka soo galo kurdiyiinta waqooyiga ciraaq.

Comments are closed