|

Habaqa Iyo Isgarab Yaaca Xukuumadda Iyo Tiro Kor U Dhaafaysa Todoba Mas’uul Oo Mar Qudha U Wada Jawaabay Hogaamiye Xirsi + Saamaynta Ay Kulmiye Ku Keeni Karto

Hargaysa 28.October 2016 (SDN/QJ):- Nidaamkii iyo hanaankii Dawladnimo ayaa maalin maalinta ka dambaysa ka sii muunad baxaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxaanad Mar walba Shaashadaha ka arkaysaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo heer walba leh oo si Habaqla isku garab yaacaya oo u wada jawaabaya shaqsi qudha,Waxa Hadda Socda Mashruuca u jawaabida Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo Gursi meeqaam sare leh ka helay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

fghjMasuuliyiin kor u dhaafaysa illaa Todoba Ruux oo ka wada tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si gooni gooni ah Jawaab ugu diray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan,kadib markii ay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye aad uga gubteen hadalo dhawaan uu ka sheegay Meel Fagaare ah oo uu ugu baaqay Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE inaanay ku naaloonin inay Loolanka ku galaan oo aanay libin ka dhiginina Wax Qabadka Xukuumadda Siilaanyo,isagoo carabka ku adkeeyay in Wax Qabadkaasi raggii horseedka ka ahaa ee ku suntanaa ay ka maqan yihiin Xisbiga Kulmiye oo inta ku hadhay aanay sheegan Karin,waxna ku lahayn,Wax qabadkaasi,Hagar daamo mooyaane.

Masuuliyiintan Xukuumadda ka wada Tirsan ee qaawiyay Meeqaamkii iyo Hanaankii dawladnimo,ee karaamada ka riday Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ay Qaarkood yihiin Agaasime Waaxeedyo iyo Wax ka sii hooseeya oo aan hore saaxada Siyaasada soo istaagi jirin, kuwaasi oo qaarkood aad loola yaabay waxa ay ku hadlayeen. Waxa ugu horeeyay Gudoomiyaha Xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani),intaa kadib waxa kadaba qaatay rag aan shaashad hore loogu arki jirin,Wax kalifayna aan lagaranayn oo qaarkood uu Ex Wasiir Xirsi ku tabcay oo uu ku daray Xukuumadda sida Agaasime Waxeedka Warshadaha,oo lagu macaabo Dhuux. Waxa kale oo ka mid ahaa ragga Xirsi u jawaabay,Cago-baruurka yar Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamuud Warsame Jaamac,Mareeye Ku xigeenka Wadooyinka Somaliland Maxamuud Daahir Jaamac,oo ka mid ahaa raggii uu Ex Wasiir Xirsi soo gacan qabtay iyo Sidoo kale Masuul ka tirsan Ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo aanaan nasiib u helin magaciisa inaanu helno.

Comments are closed