|

Hadhiimo Sharafeedkii ugu Weynaa ee Lagu Soo dhaweeyo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha iyo Xubno ka Mid ah Wasiirada Cusub iyo Weedhihii laga Jeediyey DAAWO

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa maalintii shalay hadhimo sharafeed u sameeyey masuuliyiinta cusub ee uu madaxweynuhu magacaabay oo uu hormood u yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Farotoon.
Munaasibada hadhimo sharafeedka oo ka a dhacday hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay madaxda dawladda, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo badan, waxaanu masuuliyiintaasi ugu hambalyeeyey shaqadan culus ee madaxweynuhu u igmaday,isagoo ugu duceeyey inuu ilaahay ku asturo.
Ugu horeyn, Maayar Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ay la socdaan xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda ayaa sheegay in uu casuumadan ugu tallogalay inuu ku maamuso masuuliyiiinta cusub ee u badan dhalinyarta ee madaxweynuhu u igmaday shaqooyinka culculus, waxaanu wasiirka Arrimaha gudaha oo ah shaqqo aad u balaadhan una culus ugu duceeyey inuu hawshaasi ilaahay ku fududeeyo, isagoo sheegay in wasiir Waran-caddana uu ahaa nin reer Hargeysa oo uu ku faraxsanaa wada shaqayntooda, waxaanu wasiirka cusub u balanqaaday inuu la shaqayn doono maadaama oo uu madaxweynuhu u doortay wasaaradaasi wasiir reer Laascaanood ah.
Maayarka caasimadda oo casuumadan ka hadlaya waxa uu yidhi “ madaxweynaha waxaan ugu hambalyeynayaa masuuliyiinta u badan dhalinyaro ee uu magacaabay, waxa kale oo aan hambalyeynayaa wasiirka Cusub ee Arrimaha gudaha ee loo noo magacaabay wasaaradan arrimaha gudaha, markii wasiir Waran-cadde la noo magacabay waanu ku faraxnay waayo nin reer Hargeya ayuu ahaa, laakiin imika waanu mar labaad ku faraxnay xilkaasi loo magacaabay walaalahayaga reer Laascaanood inaanu u hanayno oo aanu ku soo dhawaynaynaa wasaarada Arrimaha gudaha oo runtii ah wasaarad aad u balaadhan oo shaqadeeduna culus taha”
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa isna soo dhoweeyey wasiirka arrimayaha gudaha ee cusub, waxaanu yidhi “ wasiirka cusub waan ku hambalyeynaa in loo magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha, haddii aanu shacabkii nahayna waanu soo dhoweynaa waana kula shaqaynaynaa wax kasta oo aad nooga baahanto diyaar baanu u nahay”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo mid ah xildhibaanada golaha Wakiiladda ee gobolka Sool ayaa isna si weyn usoo dhoweeyey xilka cusub ee loo magacaabay masuul deegaankoodda ka soo jeedda, waxaanu yidhi“labadda jago ee beesah dhexe mooye cid kale aanay qaban waa taliyaha ciidanka Qaranka iyo wasiirka Arriamah gudaha, maanta waxa gacantayada ku jirta wasiirkii arrimaha gudaha, oo ah wasaarad aad u balaadhan, waana soo dhoweynaa waana ku faraxsanaay in wasaaradaasi la noo magacaabo”.

Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo isna ka soo jeedda gobolka Sool ayaa hadalkiisa ku bilaabay “madaxweynaha waxaan ugu mahad naqaya xilkaasi culus ee uu u magacaabay Yaasiin Farotoon ee arriamaha gudaha, waxaana is leeyahay wax badan buu ka tari doonaa wasiirkaasi oo dhiman dhinaca bariga, waana ku ducayna inuu ilaahay kugu asturo, waxa kale oo aan u mahad naqaya maayarka Caasimadda oo casuumad nagu casuumay, wasiirka Arrimaha gudahana ku casuumay”

Farxaan Aadan Haybe, wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka Cirka,oo ku hadlayey afkii masuuliyiinta la magacaabay ayaa sheegay inay maayarka Caasimadda ugu mahad celinayaan maamuuskan uu u sameeyey iyo qadaddan uu iskugu keenay, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya waxaan u mahad naqaya saaxiibkey Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid qaddo sharaftan uu nagu maamuusay,gaar ahaan uu u sameeyey wasiirka Arrimaha gudaha oo ah wasiirka ugu tunka weyn wasiiradda ama ugu badan golaha wasiiradda Somaliland, waana ku faraxsanahay inuu noqdo nin oday ah oo ka qaybqaata horumarka iyo nabadgalyadda Somaliland ka jirta gaar ahaan inuu wax badan ka tari doonno goboladda Bariga Somaliland oo uu ka soo jeeddo”

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Farotoon ayaa u mahadnaqay madaxweynaha xilkaasi u gartay iyo maayarka Caasimadda Hargeysa oo qaddo sharafta ku maamuusay, waxaanu yidhi “munaasibadan la igu casuumay waxaan u turjumayaa filashadda la iga rabo intay leegtahay, in wax weyn la iga filanayo inay tahay,taasina baqdin badan ayey I galinaysa, waxaana is leeyahay wax badan oo dalkan iyo dadkan wax u tar leh ayaa hawsha lagu igmaday ka qaban karta, ilaahay waxaan ka baryeyaa inuu igu asturo, waxa kale oo aan u mahad naqayaa maayarka Caasimadda oo casuumaddan igu maamuusay”.
Waxa kale oo iyaguna madasha ka hadlay wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, wasiiru dawlaha arriamaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan kuwaas oo masuuliyiinta cusub u hambalyeyey, isla markaana soo dhoweeyey.
Waa casuumaddii ugu horeysay ee loo sameeyo masuuliyinta uu madaxweynuhu u magacaabay xilalka kala duwan, waxaanay maayarka caasimadda u mahad celiyeen sida wanaagsan ee uu u casuumay.

Comments are closed