|

Xil ka qaadistii Eng Cali Xoor Xoor oo Ka Maro kacday Xog uu Wargayska Geeska Africa ka faafiyey oo uu hore u beeniyey Jiritaankeeda

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- 14kii May ee sannadkan ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika baahiyey xogo uu helay oo sheegaya in maareeyaha dekedda Berbera uu ka biyo diiddan yahay heshiiska ay xukuumaddu la gelayso shirkadda DP World, gaar ahaan in uu saluugay masiirka mansabkiisa maareeyenimo iyo weliba shaqaalaha dekedda ee heshiiskan ka dhalan doona marka uu dhaqangalo.
xoorIn kasta oo markaas uu Cali si kooban warkaas u beeniyey, haddana laba toddobaad kadib ayaa Wargeyska Geeska Afrika oo ahaa warbaahintii ugu horreysay Somaliland ee heshay nuqul ka mid ah heshiiska dekedda ee ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, waxa uu wargeysku baahiyey in qaybta saxeexa oo ay sida saxda ahi ahayd in ay wada saxeexaan wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, iyo Marreeyaha dekedda Eng. Cali Xoor-xoor, aanay taasi dhicin oo uu wasiirka arrimaha dibaddu labada dhinacba saxeexay, saxeexii Eng. Cali Xoor-xoor oo ka mid ahaa waftiga Imaaraadka joogayna uu maqan yahay.

Si kastaba ha ahaato ee Mudane Cali ayaa mar kale si dabin ka bood ah oo kooban waxa uu u jeediyey hadallo u dhacaya in uu deedifeeyey wax saluug ahi inuu ku jiro, waxa aanu isu dhigay in uu difaacayo heshiiska dekedda.
10kii Bishii Juun ayaa uu Geeska Afrika mar kale qoray xogo uu helay oo sheegayey in masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ku lug lahaa heshiiska DP World ay doonayaan in xilka laga qaado Eng. Cali Xoor-Xoor oo xukuumaddu ka qabtay dareen ah in uu ka soo horjeedo heshiiska, laakiin haddana ay madaxtooyadu ku dhici la’dahay sababo ay ka mid tahay marxaladda uu markaas heshiisku marayey, iyo xidhiidhka xukuumadda iyo beesha Saaxil, sidaa awgeedna ay madaxtooyadu qaadatay go’aan ah in ay isku daydo qancintiisa uun,

Khilaaf huursanaa oo muddadaasba u soo dhexeeyey maareeyaha awoodda badnaa ee dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor iyo madaxtooyada oo iyaduna ku dadaalaysay in ay isaga oo xilka haya ku soo dabbaasho tubta ay rabto in loo raaco arrinta heshiiska dekedda Berbera khuseeya ee ay la gashay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ayaa marar badan siyaabo kala duwan isu qarin kari waayey, waxa aana ugu dambaysay markii dhowaan wasiirro iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsani ansixintii heshiiska ka hor, ay tageen golaha wakiillada si ay u difaacaan heshiiska, golahana ugu faahfaahiyaan wixii madow ku jiro, waxaa xidhibaanno golaha ka mid ah u muuqday in Eng. Xoor-xoor aanu ku qanacsanayn heshiiskan. Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo ka mid ah mudanayaasha miisanka ku leh golaha ayaa ka mid ahaa oo golaha hortiisa iska weydiiyey sababta uu Eng. Cali Xoor-xoor uga jawaabi waayey su’aal xildhibaannadu ka weydiiyeen sababta uu heshiiska u saxeexi waayey oo uu wasiir golaha fadhiyey uga jawaabay. Waxa aanu xildhibaanku codsaday in golaha looga yeedho Eng. Cali Xoor-xoor iyo masuuliyiin kale oo geeddi socodkii heshiiskan goob joog u ahaa, si xogo dheeraad ah loo weydiiyo.

Si kataba ha ahaato ee Eng. Cali Xoor-xoor iyo xukuumadda oo sida muuqata muddo ku dadaalayey in ay khilaafkooda qariyaan xalna u raadiyaan ayaa ugu dambayntii ay wareegtada madaxweyen Siilaanyo caddayn u noqotay in la isu keeni kari waayey aragtiyaha kala duwan, waxa aana la sugayaa jawaabta uu Eng. Cali xoorxoor ka bixin doono arrintan oo muddo dheer uu ka warwareegayey in uu si cad uga hadlo.

Dhinaca kalana shabakadda wararka ee Somaliland Live ayaa xalay baahisay war shegaya in Eng. Cali Xoor-xoor uu laba toddobaad ka hor madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey is-casilaaddiisa. Warku waxa uu sheegay in Eng. Xoor-xoor oo ka biyo-diidsanaa heshiiska xukuumadda iyo shirkadda DP World uu sidoo kale markii uu istiqaaladdaas qoray ka xamaam urursaday xafiiskiisa dekedda. Laakiin wareegtada madaxweynaha kama muuqato wax is-casilaad ah, taas beddelkeedana waxa uu madaxweynuhu wareegtada ku caddeeyey xil ka qaadista Maareeyaha hore ee dekedda.

Comments are closed