|

Hargaysa: Gabadh Loo Diiday Inay Guursato Nin Ka Soo Jeeda Beesha Gabooye,Dal Delaad Lagu Sameeyay + Xisbiga Waddani Oo Cambaareeyay & Xukumadda Oo ka Hadashay!! DAAWO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waa Mid ka Mid ah Dhaqamada Guracan ee Bulsho Dhan oo Sheekh, Shariif,Aqoon Yahan iyo Hal door taliyaba leh oo La Faquuqo lana Takooro, Wuxuu Hab dhaqanka Khaldan ee ummadan lagu hayaa uu ka jiraa dhamaan deegaanada ay degaan Bulshada Somalidu.

Hoodo Mukhtaar Yuusuf waxay Calmatay oo ay Guursatay nin gayaankeed ah oo ka soo Jeeda Beelasha Gabooye Hasa yeeshee waxaa iska hor istaagay oo u diiday Qoyskeeda,Markay Amarkoodii ka dhago adaygtayna waxay ugu dareen Jidh dil Waxaana Jidhkeeda ka Muuqda nabarada ka soo gaadhay qoyskeeda.

Sidoo Kale Aabaha Inantan Dhalay Wuxuu Gacanta ka Jebiyey Aabaha dhalay Wiilka inanta Guursaday kadib Markii uu Sida uu Sheegay uu u tegay si uu labada Ubad ah isugu duceeyo.

Comments are closed