Hargaysa 18.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Xili Ku siman Wakhtigii Afurka ee Caawa ayaa Waxay Rasaas Xoogan laga Maqlay Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo Ku Yaala Xaafada New Hargaysa.
Warku Wuxuu Sheegayaa in Ninka Weerarka gaystay uu ka mid ahaa Ehelada Wasiirka hasa yeeshee Ciidamadu kumay Guulaysan inay Gacanta ku soo dhigaan Inkastuu Dagaalamay Muddo Saacad ku Dhow.
