Hargaysa 06. December 2017 (SDN/QJ):-Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Siciid Saleebaan Mirre oo Kulan warbaahineed galabta ku qabtay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in Cidkasta oo hantida qaranka iibsatay wixii ka danbeeyay 13-kii bishii November ee aynu soo dhaafnay ay tahay Sharci daro iyo xatooyo qaran.
Hanti dhawraha Guud ee Qaranku Waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday Go’aamo cusub oo lagu ilaalinayo Hantida qaranka.
