|

‘’Madaxweyne Siilaanyo 7 Sano oo uu Xilka hayay dalka waxa ka dhacay qas badan oo sharci jabis,Anigu waxa ugu badan ee aan Siilaanyo uga joojin jiray waxa weeye yaanad foodka Habar-jeclo waayine ha kaa nabad galo, foodkii ma jiro ee hadaan runta idiin sheegayaa’’ Eng Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 06. December 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa todobadii sano ee uu dalka maamulaayay madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay kuwo dalka wax badan ka qaloociyay, waxaanu u soo jeediyay madaxweynaha la doortay Muuse Biixi inuu xooga saaro toosinta waxii qaloocday iyo soo xulashada dawlad kooban oo aan dhan ka rarnayn oo qurba joogta ka madhan.
Eng.Faysal Cali Waraabe waxa uu sidan ka sheegay xaflad koox dhalinyaro ah ay ku maamuuseen oo Hargeysa ku qabsoontay, waxaanu ugu baaqay bulshada Somaliland in sharcigu shaqeeyo isla markaasna Somaliland ku da’daasho in ay ictiraaf ka doonato dunida.
Guddoomiye Eng.Faysal oo arimahan ka hadlaayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta dhibaatada ugu weyn ee ina hortaagani waa sharciga aynaan ku socon, umadu haddii aanay sharci ku socona indhaha ayay isla galaysaa haayadaha ma ixtiraamno, sharci kale ma ixtiraamno, sharcigii inoo dhaxeeyay ee beelahana waynu ka talaabsanay, kii diinta islaamka kuma dhaqano, markaas waxeenu waa bilaa sharci, wax la yidhaahdo xisbi majiro oo nidaamkeenu waa mid madaxweyne waxii xumaadana xisbi loo raaci maayo ee waxa loo raacayaa madaxweynahaas dadku doortay 7 sano ee uu Siilaanyo hayay dalka waxa ka dhacay qas badan oo sharci jabis ah maanu doonayn inaanu jiid jiidano oo waa oday waayeela oo haddaanu taabanana reer naga dhexgalaaya, mushkilada in haysataa waxa weeye qofbaa heer qaran noqonaaya dantii umada ayuu hayaa waana la’la xisaabtamayaa inaga reerkoodii ayaa xanaaqaya, anigu waxa ugu badan ee aan Siilaanyo uga joojin jiray waxa weeye yaanad foodka Habar-jeclo waayine ha kaa nabad galo, foodkii ma jiro ee hadaan runta idiin sheegayaa, qalad weyn weyn oo todobadaas sanadood dhacay sidaynu uga soo kabanaa way adagtay, waa kow xilkii waxa uu u dhiibay nin dhalinayro ah oo Xirsi la yidhaahdo oo aanu la xisaabtamin, xisaabtan la’aan ayuu siiyay, baarlamaankii iyo guurtdiiba waa uu u kordhiyay.”
Faysal Cali oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi”labadayaduba waanu soo joognay oo waxaanu iska nahay shaybaadh oo Somaliland inbadan waanu garanaynaa inta mudakarka ah, mid kastaa waxa uu galo iyo waxa uu gudo waanu naqaanaa, kuwa wax xaday waanu naqaanaa, kuwa wax ma taraha ah waanu naqaanaa, waxa loo baahan yahay inuu bog cusub uu furo oo talada badsado.”
Waxa uu gudoomiyaha xisbiga Ucid uu ka yidhi arimaha gudaha “Waa inaan gudaheena hagaajino, qabyadii kale ee inoo hadhsanayd in la sameeyo weeye oo dawladeenu ay noqoto mid kooban oo aan dhan ka rarnayn sidii hore u dhicijirtay, quraba-jooga 20-25 sanadood ku maqnaa dibada ee aan waxba soo korodhsan ee inoo soo shaqo iyo lacag doontay in layska joojiyo, sanad walba shan kun oo dhalinyaro ah ayaynu soo saarnaa oo qaarbaa laba laba shahaado sita oo hooyadii jaamacada ka soo saartay ay baska ka bixisaa waa in kuwaas mudnaanta la siiyaa.”
Ugu danbayntii wax uu Eng.Faysal Cali Waraabe tilmaamay in loo baahan yahay in toos ictiraaf Somaliland ay dunida ugu doonato”waa inaan ictiraafkeena si toos ah aduunka u waydiisanaa oo doorashadaas aynu maanta qabnay magac weyn ayay inoo soo jiiday oo aduunku aad u daawaday ilaa af-jabaan ayaa laynugu amaanay xiise weyn ayaa jira waa in aan la jabin, inaan ku badalno isqabsadkii wadashaqayn in mucaaradka iyo muxaafdiku ay wada shaqeeyaan oo nidaam u samayno doorashooyinkii.”

Comments are closed