|

Hargeysa: Ciidamada RRU-da Oo Xalay Saqdii dhexe Gurigiisa kala baxay Sheekh Aadan Sunne

sheekh sunne

Hargeysa, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Ciidamo afka soo duubtay ayaa habeenkii xalay ahaa gurigiisa kala baxay sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne).

Sida ay dabolka ka qaadeen Saraakiisha Ciidanka Bileyska Somaliland, Ciidamadan  ayaa guriga ku jabiyay qoyska sheekha abaara 12:30 xalay, waxaanay kala soo baxeen Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame, waxaana sidaasi lagu geeyay mid ka mid ah saldhigyada ku yaalla Magaaladda Hargeysa oo aan la garanayn.

Lama oga waxa wakhtigan sababay xadhiga sheekha, hasayeeshee waxa uu ka mid yahay culimada aan la gaban   weedhooda, waxaanu inta badan ka hadlaa arrimaha bulshada.

Haddaba halkan hoose ka akhriso qoraal uu qoray Cabdiwali Yaasiin – Fayr oo u soo  joogay qaabkii loo qabtay sheekha.

Qaafalashadii Aadan-Sunne

_______________________________________________________________

Waa saqdhexe, goorsheegtu waxa ay tilmaamaysaa 12:28, waana habeen Isniin soo galayso bisha 5aadna ay 2ba noqonayso 2016. Jabaqdii iyo cagtii dadku waa ay go’day oo wax sanqadh ah dibadda kama jiraan, gudaha gurigana haba sheegin. Qolkayga ayaan ku jiraa aniga iyo wiil kale.

Badi ahaan dadka xaafadda ku nool iyo magaaladuba waa ay sexdeen, weliba hurdo halkii u macaanayd ayaa ay ku jiraan. Annagu se maanu seexan, ujeedada ugu weyn ee i soo jeedisayna si fiican ayaan u garanayaa. Haa, waxbaan akhriyayaa. Buug laba cisho aan la rafanayey ayaan is leeyahay dhamee oo ay sheeko cajiib ahi noo socotaa. Buuggaas ayaan u jeedaa, wax kalana iguma socdaan.

Jawigii hore iyo xaaladdii waxbaa iska beddelay oo haatan jabaq culus oo xooggan ayaa dhegahayga ku soo dhacaysa. Maaha jabaq aan u bartay in aan maqlo xilligan oo kale. Sanqadha ii baxaysaa waa mid cabsi leh. JUG QAW, GIG GAW! Albaabka baas yaa xilligan qaraacaya ? Waayo qofka sidan albaabka u tumayaa ?! Waan booday oo fadhigii ayaan ka kacay, qolka albaabkiisa ayaan furay si aan ka dibadda u gaadho oo aan u eego cidda tumaysa.

Isla judhii aan albaabka qolka furay ayaan gartay in aanu ahayn albaabka la qaraacayaa kaayagii qaraacina intii hore wuu ka sii xoogaysanayaa. Albaabkaan u socday waa layga hor istaagay oo xafaddu gebi ahaan sanqadha baxaysa ayey ku tooseen. “Ka joog. Ha furin albaabka waa kuwiiye” Hooyo ayaa igu tidhi oo iga soo hor baxday. Hooyo waa kuwee ? Waa kuwii baasaa ee sheekha qaadan jiray! Belo idinku dhacday. Albaabkay tumayaanba show waa kii sheekha! Waligoodba kama weynaadaan albaab ay saqdhexe jabsadaan. Cuqubo ku dhacday sow kuwa dadkii hurday ka wada sasiyey maaha.

Markii aan gartay in ay iyagii yihiin (RRU), sheekhiina ay doonayaan ayaan daaqadda u wareegay, si aan ugala socdo dhaqdhaqaaqa ay wadaan iyo siday wax u fulinayaan. Si naxariis ka dheertahay ayaa ay albaabka cawjad iyo dubbe isugu raacinayaan. Dadbaa hurda iyo ciyaalbaa ku nool guriga waxba lama aha iyaga.

Waan daawanayaa, oo laabtaa i ololaysa. Alla Ilaahayoow yaa awood aanan lahayn caawa igu caawiya aan gamta u istaago bahalane. Intaas iyo ino ka badan ayaa laabtayda ka guuxaya. Awood aanan lahayn ayaan iska baadhayaa haddana itaalkayga ayaan dib u xasuusanayaa. Cabbaar markii ay albaabkii cawjad iyo dubbe la dhacayeen, se ay ku guulaysan waayeen in ay jabiyaan ayaa uu sheekhi albaabka ka furay.

“Way kan ‘e ciyaalka argagaxa ka daaya” Intaas buu ku yidhi inta uu gacmaha u soo fidiyey. Katiinad ayaa ay ku qabteen oo ay la gaadheen gacmihiisa. Carruurtii ayaa ka daba ooyeysa. Ooridii ayaa ka daba barooranaysa, se Rabbi bay leedahay. Ma cidbaa u joogta? Aniga iyo in badan oo jaarka ka mid ahina halkan ayaanu ciil is cuncunaynnaa. Oo ma cudud baanu leennahay albaab walbaba saddex afduuban baa hortaagane? “Keen moobilkaagii” ayuu ninkii ciidanka watay ku yidhi.

“Ma hayo” ayuu ugu jawaabay. Afadii ayaa uu dib u su’aalay oo ku yidhi soo qaad, se way diidday. Caruurtiisa kuwa ugu yaryar mid ka mid ah ayaa uu kallarka ku dhegay oo uu qaaday, si uu uga cabsiiyo oo ay u soo qaaddo moobilka. Hadal cajiib ah ayuu sheekhu kaga riday ilmihii yaraa ninkii. Wuxuu ku yidhi “ Waar carruurta yaryar ha ka oohin berribaa kuwaaga laga oohine”! Dhiirranaa oo hawraar Sanaa.

Si dabacsan ayaa uu u dhigay askarigii wiilkii yaraa, moobilkiina waa loo keenay. Aadan Sunne sidaas ayaa lagu qaatay oo lagu afduubay. Sabab lagu xidhayna mooji. Intii la sii waday ayaa sheekhu waxa uu yidhi “ Waa meerto maalmuhu, maalinna adigaa leh maalinna waa lagugu leeyahay. Ilaahay ayaana ina kala furan oo inoo kala hiilin” Waxa se layaab lahayd eray ka soo yeedhay mid ka mid askarta. Waxa uu yidhi “ Ilaaha aad sheegaysaa bal ha ku soo furtee ina mari” mid kale ayaa raacshay “ Ilaaha aad sheegaysaa waa kee?!”

Waa dhacdo aan ugub ahayn in bandanna dhacda. Isla dhacdadan oo kale ayaan sannad ka hor shaahid ka ahaa. 5:03, 9-04-2015 ayaa ay dhacday isla sheekhan ayaanay ku dhacday. La yaab ma laha in sheekh inta la tuhmo la soo xidhaa, qof walbana haddii la tuhmo ilaa inta uu ka tuhun baxayo xaqbaa loo leeyahay in la soo xidho.

Balse waxa la yaab leh habka iyo hannaanka loo raacayo xidhitaanka qof la xidhayo. Qof muwaadin ah oo dalkiisii ku nool habeen iyo maalinna u hoyda ma habboon in inta habeen badhka loo soo dhaco la xidhaa. Dhaqanka dawladnimo iyo sharciga askarinimaba waa asluub ka baxsan oo aan sinaba xidhiidh ula lahay. Akhlaaqiyaadka askariga iyo anshaxa dawladnimo dhinacnaba kama soo galasho. Waa se caado iyo dhaqan ay leeyihiin Ragga Reeraha Udhacaa (RRU). Shuqul cid kale lagu yaqaan maaha.

Bahalahaas ayaanu ku dhex nool nahay, waa bahalo is nacay oo aan dadnimo iyo dhaqan dawladnimo midna aqoon u lahay. Waa bahalo bahalo ka tegay oo aan asluubta dawladnimo iyo akhlaaqda dimuqraadiyadeed midna garasho u lahayn. Kuwa habeenkayagii murugo u rogay ee argagaxa iyo cabsida nagu abuuray waa iyaga, waa RRU iyo ciddii soo diratay. Waa se loo joogi siday ku danbayn. Rabbina ha ka soo furto sheekha insha’Allah.

Comments are closed