|

Dhaqdhaqaaqyadii Siyaasadeed Ee Ugu Dambeeyey Is-Bahaysiga Kulmiye Iyo Safarka Waabeeye Ee Kenya Ee Soo Dabbaalista Cabdicasiis Samaale

Nairobi  02.May 2016 (SDN/QJ):- Garabka Isbahaysiga Dimuqraadiyad-doonka Xisbiga Kulmiye oo labadii Toddobaad ee ugu dambeeyey kulamo xidhiidh ah oo siyaasadeed lahaa kana arrinsanayay halkii ay geeddigooda siyaasadeed furi lahaa ayaa la sheegay in ay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga KULMIYE kana mid ahaa garabkan Is-bahaysiga Md. Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf Waabeeye la sheegay in ay u direen Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi si uu xog kama dambays ah uga keeno Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Kenya, in Muddo ahna xidhiidhka uu saaxiibadii la lahaa yar qaboobay.

xilWarar xog-ogaal ah oo aanu ka helayno dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee Garabka Dimuquraadiga Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay tibaaxayaan in Siyaasiyiinta Garabkaasi isku bahaystay ay doonayaan in ay isku lugo duwaan qorshahoodii ugu dambeeyeyna ay ku soo gunaanadaan sidii ay go’aamo kama dambays ah u qaadan lahaayeen si taasi ugu suurta gashana ay doonayaan sidii ay dhammaan xubnaha garabkaasi war cad uga ogaan lahaayeen damacooda iyo hankooda taasi oo keentay in Is-bahaysiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye u wakiishaan sidii uu Wasiir Samaale warkiisa oo dhan u keeni lahaa kaasoo la sheegay in muddooyinkii dambe aanu xidhiidh rasmi ah la lahayn siyaasiyiinta garabkan dhinaca kalena aan la ogayn waxa uu damacsanyahay.

Safarka Xildhibaan Waabeeye ku tagay dalka Kenya ayaa la filayaa in uu keeno kulamo dalkaasi ku dhex mara Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Mudane Samaale si ay uga arrinsadaan qorshihiisa siyaasadeed iyo sida uu uga sii mid ahaan karayo Is-bahaysiga ama uu badheedhihiisa uga dhiibanayo sidii uu uga sii mid ahaan lahaa ama uga tagi lahaa wakhti ay Garabka Dimuquraadiyad doonka KULMIYE doonayaan iyaga oo isku duubban oo cudud ballaadhan leh ay qaataan go’aammo adag oo masiirkooda meel dhigaya.

Warar Madax Banaan oo soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa noo xaqiijiyay in kulamo door ah oo labadii todobaad ee udambeeyay uga socday Hargeysa Garabka Isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka Kulmiye oo ku saabsanaa biyo dhaca halka ay siyaasad ahaan mustaqbalkooda iskugu biyo shubanayaan,ayaa sidoo kale kulamadan lagu soo qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa xubnaha Ugu firfircoon Isbahaysiga Kulmiye, islamarkaana aanay Wax Xidhiidh ka helin Bilihii u dambeeyay taasi oo keentay in Isbahaysigu Dalka Kenya u diraan Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye si uu xog dhamaystiran uga keeno Mr Samaale.

Illo-wareedyo u dhuun daloola Safarka Xildhibaan Waabeeye ugu baxay Dalka Kenya ayaa noo sheegay in Xildhibaan waabeeye ballan ku qaaday inuu hawsha loo igmaday si adag uga libin keeni doono war cadna ka keeni doono saaxiibnood Samaale halka uu ku dambeeyey kuna dadaali doono sidii uu Isbahaysiga iyo Samaale dib iskugu soo celin lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Garabka is-bahaysiga KULMIYE oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin miisaan lihi ay kulamo la yeesheen xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI walise aan la ogayn halka ay cududdooda ballaadhan ula guuri doonaan. Xisbiyada Mucaaridka ayaa si weyn ugu ordaya in ay siyaasiyiintan soo dhawaystaan.

Dhinaca Kale Waxaa Maalmihii la soo dhaafay ku Sugnaa Magaalada Nairobi Wefti ka socda Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiga Kulmiye oo ay Xubno ka ahaayeen Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyadda.

Comments are closed