|

Haween Muslim ah oo Muujiay dareenkooda ku aadan Weerarkii ka dhacay London

Hargaysa 27. March 2017 (SDN/QJ):- Haween badan oo Muslim ah ayaa isugu soo baxay iyaga oo gacmaha is heesta goobtii uu ka dhacay weerarkii gaariga iyo mindida loo adeegsaday ee isbuucii hore ka dhacay buundada Westminster ee magaalada London.

Sida Warbaahinta dalka Britain ku waramayaan haweenkan ayaa muujinayay sida ay uga xun yihiin weerarkii dhawaan ka dhacay Buundada Westminster ee lagu dilay afar qof uu ku jiro askari katirsan booliiska, waxa ayna sheegeen in murugada la wadaagayaan dadkii wax ku noqday weerarkaasi.

Weerarkan waxaa fuliyay Nin 52-sano jir Muslim ah kaa oo gaari jiirsiiyay dad marayay buundada, waxa uu sidoo kale toorey ku dilay askari katirsanaa booliiska, waxaana weerarkan lagu tilmaamay mid argagaxiso.

Muslimiinta kunool dalka Britain ayaa aad u cambaareeyay weerarkan ka dhacay magaalada London, waxa ayna muujiyeen Muslimiinta kunool dalkaasi in aysan raali ka aheyn weerarkaasi ayna aad uga xun yihiin.

Dalka Britain waxaa kunool muslimiin aad u badan oo ka kala tagay wadamo kala duwan, waxaana dalkaasi marar kala duwan ka dhacay weeraro lagu eedeeyay in ay fuliyeen dad muslimiin ah oo xariir la leh kooxo la sheegay in ay argagaxiso yihiin.

Comments are closed