|

Haweenay Cusbitaal Gudihii Ka Xaday Ilmo Yar Oo Shan Cisho Jiray !

Riyadh 29. August 2017 (SDN/QJ):-Arrin aad u naxdin badan ayaa ka dhacday dalka Sucuudiga oo ah in qof dumar ahi ay ku dhiirato inay xaddo ilmo yar oo dhashay oo uu waliba ka dhex xaddo dhakhtar aad u weyn, waxaana isweydiin leh sidee ayuu qofkaasi calool adayga intaasi leeg u sameeyay maxaa’se ku kalifay?.

Lama garan karo sababta ku kaliftay haweenaydan inay xaddo ilme yar oo jiray shan maalmood oo qudha oo ay waliba ka xaddo gudaha dhakhtarka King Khalid ee Magaalada Al-kharaj ee Dalka Sucuudiga.

Haweenaydan ayaa ku soo labisatay Direyska kalkaalisooyinka caafimaadku labistaan, kadibna waxay ilmahaasi yar ee shanta cisho jiray ku ridatay bac weyn oo ay sidatay, intaasi kadibna waxay gashatay cabaayadeedii waxaanay raacday wiishkii oo waxay la baxsatay ilmihii yaraa.

Kamaradaha ilaalada ee dhakhtarka markii dib loo baadhay ayaa waxa ka muuqday muuqaal muujiyay in haweenaydaasi ilmaha yar bacda ku ridatay oo ay la baxsatay, ciidammada ammaanka  ayaa xaqiijiyey in ilmihii yaraa lagu helay muddo ka yar 24 saacadood waxaana laga helay goob u dhaw masaajid ku yaala magaaladaasi sidoo kalena waxay ciidammadu xaqiijiyeen in haweenaydani falkaasi ku kacday la aqoonsaday cidda ay tahay.

Comments are closed