|

Ubadka Madaxa adag ee Waalidiinta Telefoonada ku dhagaysta oo loo Helay Xal Cusub!!

London 29. August 2017 (SDN/QJ):-Aabe u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ku guulaystay in uu dhiso barnaamij ‘Application’ talefanka gacanta ku shaqaynaya oo carruurta qasab kaga dhigaya in ay dhaqso uga jawaabaan talefankooda gacanta marka waalidkood kala soo xidhiidhayo.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay hal-abuur xal u noqon kara mushkilad inta badan kala qabsata waalidiinta dunida maanta iyo ubadkooda talefanka gacanta sita ee xaaladaha qaar aan jeclaysanayn in ay talefanka waalidka ka jawaabaan.

 

Nick Herbert oo u dhashay dalka Ingiriiska da’diisuna tahay 45 sano, muddo dheer ayaa uu baadhitaan cilmiya ku samaynayey helidda barnaamij inankiisa 13 sano jirka ah ku qasba in aanu qaban waayin talefankiisa gacanta, haddii isaga oo aabihii ah ama hooyadii soo garaacaan ama farriin gaaban u soo diraan. Nasiibwanaag ugu dambayntii waxa uu Nick ku guulaystay in uu soo saaro barnaamij hawshaas qabta oo ah kii noociisa dunida oo dhan ugu horreeyey.

 

Nick waxa uu barnaamijkan uu hal-abuuray u bixiyey, ‘Reply ASAP’ oo aynu ku macnayn karno, sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogal ah uga jawaab. Barnaamijkan oo talefanka gacanta lagu shubayo ayaa talefanka labada waalid la barayaa, kadibna mar kasta oo ay labada waalid soo garaacaan waxa uu sii deynayaa cod ama siidhi gaar ah oo xitaa talefanku haddii uu aamusan yahay isagu dhawaaqaya. Codkan ayaan la aamusiin karayn illaa talefanka laga jawaabo ama farriin gaaban dhaqso loogu diro waalidka soo garaacaya.

 

Sidaas oo kale ayaa uu talefanku u dhawaaqayaa marka uu waalidku farriin u soo diro, mana aamusayo illaa uu farriintaas ilmuhu ka jawaabo, waxaa iyaduna xiiso leh in haddii ilmuhu farriinta akhristo isaga oo aan ka jawaabin in uu markaba talefanku waalidka u dirayo ishaaro muujinaysa in ilmihiisu uu farriintii arkay. Haddii marka waalidku farriinta diro ay ku hagaagto talefanka ilmaha oo xidhan, farriintaasi waa ay sugaysaa inta uu ilmuhu talefankiisa furayo, isla marka ugu horreysa ee uu furo ayaanu farriin u dirayaa waalidkii isaga oo u sheegaya in ilmihiisii talefankii furay.

 

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daraysa in Herbert oo deggen koonfurta magaalada London uu warbaahinta u sheegay in barnaamijikan cusub ee uu curiyey uu hadda diyaar u yahay iib. Laakiin ujeedadiisu aanay ganacsiga ahayn ee ay ahayd in uu caawiyo hooyooyinka iyo aabeyaasha ay dhibaatada iyo warwarka badani ka qabsadaan raadinta ilmahoodu marka uu guriga ka maqan yahay talefanka gacantana uu qaban waayo.

 

Herbert waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Wiilkayga yar laba sano ka hor ayaa uu bilaabay in uu talefankiisa gacanta u qaadan karo dugsiga, waxa aanan aaminsanahay in barnaamijkan cusubi uu ii fududayn doono la xidhiidhistiisa” Herbert oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu intaas ku sii daray, “Inta badan wiilkaygu waxa uu ku mashquulaa ciyaarta elegtarooniga ah, talefankiisa gacantana codka ayaa uu ka xidhaa, laakiin marka aan soo garaaco ee uu codka maqli waayo anigu aad ayaa aan uga cadhoodaa. Imika waxa aan rajaynayaa in barnaamijkan cusubi uu wanaajin doonin xidhiidhka naiga iyo wiilkayga”

Comments are closed