|

Hawl Galkii Maraykanka ee Somalia oo Sannado Dheer Kadib Dib ugu Soo Guuraya Magaaladda Muqdisho

Nairobi 25. June 2017 (SDN/QJ):- Marekanka ayaa qorsheeneysa in dhamaadka sanadkan ay dib uga howl galiyaan magaalada Muqdisho saafaradooda oo xirneed tan iyo markii ay bur burtay dowladii Dhaxe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa shaaca ka qaaday in mar kale dowlada Mareykanka howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, waxa uuna xusay in dib loo furayo Safaardooda Soomaaliya .

 

Waxa uu sheegay Stephen Schwartz in xarunta cusub ee Mareykanka ee Muqdisho la furi doono bisha October ee sanadkan, waxa uuna tilmaamay in safaarada Soomaaliya oo hada ku shaqeysa Nairobi ay usoo guuri doonto Muqdisho.

 

 

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hayso lacag ay safaarad cusub uga dhisato Muqdisho, hasa ahaatee safiirka ayaan cadeyn waqtiga rasmiga ah ee la bilaabayo dhismaha Safaaradooda cusub.

 

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho labo sano kahor ayaa shaaciyay in Dowlada Mareykanka ay dib u howlgalineyso safaaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Comments are closed