|

Ganacsato Wasaarada Maaliyadda ee Dawlada Federaalka Somalia ku eedeeyay in Canshuurta ay ka qaado dib u siiso Ganacsato kale Iyo Cadaymo ay Soo Bandhigeen

Muqdisho 25. June 2017 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya in Canshuurta ay kaga qaado Dekadda magaalada Muqdisho ay dib u siiso Ganacsato kale, taa ay ku tilmaameen mid cadaalad daro ah.

 

War Saxaafadeed ay soo saareen Ganacsatan ayey ku sheegeen in ay tahay mid cadaalada ka fog in dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Maaliyada lacagihii ay canshuur ahaanta kaga qaaday in ay dib u siiso ganacsato kale.

 

Halkan ka Ahhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Ganacsatadan

 

Waa caddaalad darro in lacagta canshuurta ah ee aan bixino ay dawladdu ku bixiso wadda aan sax ahayn. Inloo isticmaalo hawlaha muhiim ka ah sida mushaaraad ka ciidamada iyo wixii lamid ah ayaa loo baahanyahay, laakiin waxaan hadda arkaynaa in wasaaradda maaliyadu u qoondaysay qayb canshuurta ka mid ah koox ganacsato ama shakhsiyaad ah.

 

Arrintaani waxay shaki galinaysaa ballanqaad kii dawladda cusub ee ahaa inay cirib jarayaan musuq iyo sixun wax u maamul oo dhan ayna dakhliga dawladda ku bixin doonta halka ugu haboon. Lacagta ay wasaaradda maaliyaddu siiso kooxdaas ayaa ah 0.50% dakhliga canshuureed ka dawladda, si kale haddii loo dhigo waxay gaaraysaa lacagtaasi mushaarka 400 ilaa 450 askari bilkasta.

 

Majirto sabab loo siiyo lacagta canshuurta ah oo lawada ogyahay baahida ay dawladu u qabi karto in lasiiyo koox amaba lagu bixiyo meel kaduwan halkii loogu talagalay.

 

Ugu dambayn waxaan farriintaan iyo cabashadeena gaarsiin doonaan R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 

 

Halkan ka Akhriso warqaddaha kala duwan ee iska hor imaadku ka muuqdo kana soo baxay xaafiisyada kala oo ay kamid tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Comments are closed