|

Heshiis la filayo in laga gaadho khilaafka Somaliland ka taagan

Hargeysa 25 Aug, 2022 (QJ)- Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland ayaa la filayaa in xal laga agadhi kadib muddo 8 bilood ah oo khilaafku soo jiitamayay mudadaana soo amray marxalado kala duwan.

Dhinacyada is haya oo ah xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa imika la filayaa in ay qaateen mawqifyo isku dhow oo ay keeneen guddi is xilqaantay oo ganacsato ah isla amrkaana dhex dhexaadin ka dehx wada dhinacyada.

Gudida oo ka kooban ganacstada ugu waawayn Somaliland waxay soo jeediyeen in doorashooyinka hal mar la wada qabto sida aanu xogo ku helnay balse lama oga mudada lagu qabanayo in axa ay dhinacyadu ka yeeli doonaan.

Maalinta Sabtida ama Axadda ayaa la filayaa in gudida ganacsatada ahi la hadlaan warbaahinta ama dhinacyada war laga helo iyadoo la ogaan doono waxa ay ka gaadheen dbex dhexaadinta ay sameeyeen.

Qurbejoog waxay ogaatay in madaxweynaha Somaliland oo wakhtigan rabo xal maadaama go’aanadii uu doorashada uruarada ku qaban lahaa qaarkood meesha ka baxaaen, arinta ugu waynina ahayd siyaasiyiinta Garxajis oo furta ururo siyaasadeed balse ma dhicin.

Comments are closed