|

Xasan Sheekh oo Garoowe ka degay iyo Deni oo soo dhaweeyay

Muqdisho 25 Aug, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa gaadhay magaaada Garowe ee maamulka Puntland halkaas oo uu kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo dad kaloo badan

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ma jirin masuuliyiin kale oo ku wehelisay socdaalkiisa marka laga tago wasiirka arrimaha dibadda oo kagasii horreeyay magaalada Garowe.

Soo dhowaynta kadib, labada madaxweyne wax war ah ma siinin warbaahinta, waxayna si toos ah ugu gudbeen xarunta madaxtooyada, halkaas oo la filayo inay kulan gaar ah ku yeeshaan.

Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay madaxweynaha, badhtamihii bishii May ee sannadkan 2022.

Comments are closed