|

“Heshiis Ma Aha Ee Waa Khiyaamo Qaran Oo Gacan Ku Rimis Ah Waxaanu Ahaa Qoraal Yar Oo Ay Soo Wateen Kooxdii DP World Horeba U Wadatay” Gudoomiyaha Waddani Mr Jirde

London 19. February 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo wakhtigan ku sugan dalalka qaaradda Yurub ayaa sheegay in uu waxba kama jiraan yahay heshiisna aan lagu sheegi Karin wixii ay xukuumaddu Axaddii la soo dhaafay ka samaysay Golayaasha Baarlamanka isaga oo si adag u naqdiyey doorkii faashilka ahaa ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ku waxyeeleeyey qaranimada dalka isaga oo xildhibaan Jirde dhukumantigii Af-soomaaliga ku qornaa ku tilmaamay qoraal ay iska soo diyaarsadeen kooxdii marka horeba khiyaamada ku meel mariyey heshiiskii macmalka ahaa ee wareejinta Dekedda Berbara.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo warbaahintu wax ka waydiisay sida uu u arko ka sharci yaqaan ahaan iyo ka xildhibaan ahaanba xaaladda lagu marsiiyey golayaasha qoraalkii macmalka ahaa ee jujuubka lagu meel mariyay ayaa yidhi: “Wax Heshiis ah oo Golaha loo keenay ma jirto. Golaha waxa la keenay warqad Afsoomaali ku qoran oo la leeyahay waxaa iyo waxaasaa la isla gartay laakiin cid saxeexday iyo wax la isla gartay meesha kuma taallo sidaa aawadeed heshiis ma aha ee waxa weeyaan uun wargelin. Heshiiska waad taqaannaan oo laba qof oo guri kala kiraysanaya ayaa Nootaayo isla taga markhaatiyona sameeya labadii darafna way saxeexaan. Wax heshiis ah oo aan labadii daraf saxeexin sidaa darteed warqad aan saxeexnayn anaa ogoo waa la saxeexaydee gacan looguma taago oo looma codeeyo. Waxa gacanta loogu taagaa wixii lagu heshiiyey oo qoran oo darafyadii iyo magacyadoodii iyo masuuliyadihii ay kala hayeen ku wada xusan yihiin ayaa la saxeexaa laakiin dee kani heshiis muu ahayn heshiis sharci ahna maba noqon karaba wax aan saxeexnayn”.

“Dhacdadii Baarlamanka ka dhacday waxa ay ahayd dhacdo fool xun. Nin xildhibaan ah oo doonaya in uu hadlo oo dad wax waydiiyo oo la yidhi ha hadlin cidna waxba ha waydiinin. Horta waxa ay ahayd marka horeba markii Madaxweynuhu meesha soo fadhiistay oo dalabka keenay maadaama qofka wax keenay uu Madaxweynaha yahay wasiirrada maaha Guddoomiyaha Guurtida waxa laga rabay in uu yidhaa Madaxweyne ha bixine su’aalaha uga jawaab xildhibaanada. Madaxweynaha ayaa warqaddan madasha keenay oo akhriyey qofka akhriyey ayaanay tahay qofka hormoodka ka ah ee dalkan xukumaa in uu u jawaabo xildhibaanadu su’aalaha ay waydiiyaan oo ka qanciyo ayay ahayd. Saleebaan waxa uu ku yidhi Madaxweynihii iska bax, sidii baanu ku baxay heshiiskiina maaha sidoo kalena waxa la yidhi yaan laga doodin. Anigu shakhsi ahaan taasi waxaan u arkaan uun wax loo badheedhay. Dadka waxan soo sameeyey waxa ay u ekaysiiyeen uun heshiiskii ay ku sheegeen DPWorld oo inta ay waraaqo keeneen uun yidhi heshiiskii maaha ee saxeexa heshiiskiina aanay wali keenin shirkaddiina ay ku yidhaahdeen heshiiskii waa naloo ogolaaday oo wuu dhaqan galay tii uunbay daba socotaa. Waana khiyaamo qaran oo gacan ku rimis ah, waana hoosaasis waana qayrul sharci aan marnaba umaddani aqbali karayn. Sharci Islaam, mid dhaqan iyo mid adduun kalena toona midna ma aha wax alla wax uu yahay garan mayno” ayuu yidhi C/qaadir Jirde

Comments are closed