|

“Markii Xildhibaan Dable U Tagay Saleebaan Muxuu Ugu Jawaabay “Waar Raac Adiguna, Waar Bax… Waar Saar”, Ma Aqalkii Hooyadii Buu Joogay Miyaanu Xildhibaan La Soo Doortay Ahayn”..Siyaasi Cali Guray

Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa sheegay in Saleebaan Gaal aanu joogin meel uu leeyahay markii uu Xildhibaan Dable ku lahaa waar saar, isaga oo Cali Guray sheegay in fikirkiisu kalya la xidhiidho aragtida uu isagu qabo ee aanu qabyaalad iyo xumaan kale toona waxba kaga sheegin Saleegaan Gaal.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in aanay isaga saarnayn masuuliyad xil ah oo uu qaranka u ahaa balse ay saran tahay inta muwaadinimo oo kali ah una arki wixii golayaasha ka dhacay wax sharciga dalka baal marsan oo aan meelna loogu soo gabban, si kastana uu u taageersan yahay xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiisa.

Cali Guray oo qoraal kooban bulshada kula wadagay degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu yidhi: “Qofba waa siduu u arko madashii Saleebaan Gaal maroorsaday. Waa markii ugu horeysay taariikhda Somaliland mashruuc Sharci (bill) aan loo soo gudbinin shirgudoonka Wakiilada oo aan la marin dariiqiisii saxa ahaa uu Gudoomiye Guurti cod jujuub ah oo aan meelna sharciga kaga jirin qasab ku marsado. Waa taariikh waanay is qortay.Weliba wuxu kaga darnaa in cidii hadashayba uu ciidan u adeegsaday oo odayaal kuwii ugu odaysanaa ah bilaysku garaacay oo dhaawacyo gaadhsiiyay. Hadii wixii dhacay sharciga waafaqsanaa go’aankii ka soo baxayna sax yahay waa run ninka qaldani inu aniga yahay. Hadii runtu sidii aan sheegay tahayna mashruucan waxa qasab ah in dib loogu noqdo oo wadada sharciga ah loo maro ansixintiisa. Weliba hadii la doonayo in wax la saxo madashii Saleebaan maroorsaday iyo afduubkii dhacay waa in la baadho ciddii ka masuulka ahayd dhibtii dhacdayna lala xisaabtamo. Waa hadii ay weli sii taagan yahay nadaamkii dawkadnimo ee ummadani ay dhisatay iyo sharcigii ay dhigatay. Hadiise ay xoog xoog awood sheegasho iyo ismuquunin noqotano markaa xaalku waa bisin nin buruudlaa bi’iyay”.

Wax qabyaalad ah aniga gebi ahaanba hadalkayga kumuu jirin hadii aan qabyaalad laga dhigayn waxan taageersanahay Kulmiye iyo musharixiisa oo aan been ahayn ee run ah. Sida ay wax u socdaan Somaliland waa la sii kala wadaa ee la isuma soo wado cid ka faaiidaysa kala dirka ummadnimada Somaliland oo aan ahayn cadowga Somalilandna ma jirto. Kuwa kala dirayaana waa kuwii ay ahayd inay wadajirka iyo midnimada ummadda ka shaqeeyaan loo egmaday. Aniga wax la ii igmaday iyo xil aan u ahayo Somaliland ma jiro keliya fikirkayga ayuun baan sheegay sax iyo qaladba wuu noqon karaa laakiin waa xaq aan leeyahay oo dastuurka Somaliland ii damaanadqaaday waayo muwaadin baan ahay masuuliyadana in muwaadin baa i saaran wax ka badan oo i saarani ma jirto. Somaliland naca iyo ciilka iyo cadhada iyo calool xumada dhex taal waxa la noqday ku awood sheegtay oo isagu wax ciilay iyo mid ciilan oo la ciilay oo debinta ruugaaya. Cid laga cawdo iyo cid loo cawdo midna lama hayo. Bal aan eegno tani kala tagtay oo waa la kala diray in Ilaahay cid dib isugu soo ururisa iyo in waxa la yidhi dheriga waxa karka ka keena kulaylka eh uu qarax yimaado aan dibna la isugu soo noqonin.

Markii uu Xildhibaan Dable shirgudoonka Saleebaan ugu tegay isaga oo is lahaa arinka deji muxuu ugu jawaabay Saleebaan” waar raac adiguna. Waar bax… waar saar. Ma aqalkii hooyadii buu joogay miyaanu Xildhibaan la soo doortay ahayn isaga ilayn waynu ognahay oo cid soo dooratay may jirin eh. Waxa ka horeysay oo ciddii daawatay arkaysay oy maqlaysay isaga oo qabyaalad tiisa ku hadlaya oo leh waar saara ma afar nin oo isku reer ah baa Berbera leh. Isaga oo aan hoos u eegin tiisa aanu haba yaraato eh la gabanin. Hadii aad caadil tahay Caligurey iyo Saleebaan kaygee qabyaaldeeyay” ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay Cali Guray.

Comments are closed