|

Heshiis Taariikhiya Oo Ay Kala Saxeexdeen Somaliland Iyo Imaaraadka Carabtu,Iyo Waxa uu Ku Saabsan Yahay SAWIRO

Dubai 02. July 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay  Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

 

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku  xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

 

Heshiiskan ayaa noqon doona mid  wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale  ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

 

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan wasiiradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.

Comments are closed