|

Wefti Ka Socda Maamulka Khaatumo Oo Ceerigaabo Soo Gaadhay, Iyo Odayaal Eedeyn Kulul Ujeediyay Wasiiro Somaliland Ah DAAWO

Ceerigaabo 02. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag soo Gaadhay Wafdi ka socda maamulka khaatumo oo uu Hogaaminayo wasiirka arimaha dibedda Maxamuud Ismaaciil Shabac iyo Masuuliyiin kale, waxayna soo dhowayn kala kulmeen waxgaradka deegaanka, Iyagoo u sheegay inay kala hadli doonaan arimaha ku saabsan Khaatumo Iyo Somaliland.

 

Dhinaca kale Qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha ayaa eedayn kulul u jeediyey wasiirka arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  Faratoon iyo wasiirka biyaha oo kuna  eedeyey inay Is hortaag ku sameeyaan wafdiga Khaatumo, waxayna sheegeen inaysan Ceerigaabo fidno ka ridi karin.

 

Tan iyo markii ay bilaabmeen wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo waxaa isbadal ku yimid Qaabkii hore ay labada dhinac kala Taagnaayeen, Iyadoona xiligan ay is dhexgaleen.

Comments are closed