|

Heshiiskii Dekedda Berbera iyo Shirkadda DP World Oo Goordhaweyd Qalinka Lagu Duugay DAAWO

Dubai 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DPW ee maalgelinaysa Dekeda Magaalada Berbera ayaa Goor dhawayd oo Maanta ah Si rasmi ah Qallinka ugu Wada Duugay Dhamaystirka Heshiiskaas oo ka dhacay Magaalada Dubai.
Heshiiskan ayaa waxaa Somaliland u saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sacad Cali Shire, halka shirkadda Dp World uu u saxeexay Madaxa Shirkadaasi.
Madashii Lagu saxeexayay Heshiiska kama dambeysta ah waxa goob joog ka haaa Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxman Saylici, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Shoombe, Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Mudane Baashe Cawil.

Comments are closed