|

”Mar haday Aqalkayga, Haddii layga Adkaadiyo, Hadaan Raystey Idhaahdaba, Mar lay oohin u Tahay, Bal maxaan Istafiiday? Maansadii Ergo & Dardaarankii Abwaan Gaariye AHN DAAWO

GaariyeHargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Ku Sinaan 24 Sanno ayaa Laga Joogaa Markii allle ha u Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” Tiriyey Maansada Ergo oo uu Ka Dhex Jeediyey Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Hargaysa Isagoo Wakhtigaas Ceelalyo Nabadeed Sida Baaqna u diraya  Laba Beelood oo Walaalo ah oo Wada Dega Gobolka Saaxil oo Xiligaas ay ka Dhex aloosnayd Dagaalo Sokeeye.

Wuxuu Abwaanku Yaqiinsaday in Wixii loo Soo Halgamay aan La Qiimayn Isla markaana ay Birta iska Asleen Dad Wada Dhashay oo Dhiig Iyo Dhalashaba Wadaaga,Wuxuu ka digayay Sii Socoshada Fidnadaas Wuxuu beegsanayay in Maanka iyo Maskaxdu Shaqayso lagana Koro “In Tolaay Yaa Reer Hebelaay” Dad inagag Dhintaan.

Maantana Dardaarankii & Dhaxalkii Ilaahay ha u Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Waa Mid Taagan, Shabakada Qurbejoog Waxay  Maansadan u soo Xulatay in La joojiyo Dagaalada ehliga si gaar ah Waxaan ugu Diraynaa Beelaha Walaalaha ah ee Dirirta Khasaaraha Nafeed Sababtay Ku Dhex Martay Deegaano ka Tirsan Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ninkii Aarsa Yiqiinay
Haduu Aarsaday Maanta
Uu-fanayskiina guuray
Iyana waa iga su’aale
Tolow Yaa Colka Eega
Loo Abaabulayaa?

Laba Oorya Walaaliyo
Ilmaadeer is Maquunsha
Lama Sheegin Aduunkee
Marka aan ugu Liito
Mar aan eeda Sokeeyiyo
Ilmahayga ku Waayo
Mar aan aayo La’aanta
Seedigay ugu Aaro oo
Walaashay asay qaado
Mar haday Aqalkayga
Haddii layga Adkaadiyo
Hadaan Raystey Idhaahdaba
Mar lay oohin u Tahay
Bal maxaanIstafiiday?

Maansada Ergo Iyadoo Qoraal ah oo Dhamaystiran Waxay u dhignayd Sidan:-

Qul-acuudu bilaahi
,idaajaa nasru-laahi,
al-raxmaan iyo qaaf iyo
alif-laamra sirteediyo
-waxaan maanta alhaakum
ilhaamka uga bilaabay

Hadraawow indhaweydba
sidaydii ma ahaynoo
waxaan ahay nin arkaaya
-waxaan uumku u jeedin
oo kaligii anfariirsan
waxaan ahay nin arkaaya

-maanka laaga ogsooniyo
asaraarta dhex yaala
isha laacu ka muuqdo
-waxaan ahay nin arkaaya
umadayda tasowday ee
usha loo qaban waayey

-Ee aniga iga bilow oo
abwaankeedu ka seexday
-waxaa qoonkee tabaysa
afweynoo laga reeyana
ujeedaa uga dambeysa
-waxaan ahay nin arkaaya
mar kastoo ayax guuro
in uu eel ka tagaayo
-walibana aad uga sii xumoo
libinteyda af-duuba

-waxaan ahay nin arkaaya
ayaankaygii shi’ dhaafay
markii loo injireystay
-oo madow daba-keeniyo
isagoo ducanayaa dirqiga
weysha ku ooftayoo
-idinkoo qof maqnaynoo
indhihiinu shan yihiin
mar labaad ambanaaya

-waxaan ahay nin arkaaya
ulajeedo habowday
ididiilo hungowday
ooda geel laga qaadayoo
hal taal gundihiisa
ayaanlow naxdin joogta
aayatiinkaba saaran
-Aheey way iyo ciil
umalkeyga hiqdeyda
calool oyga nafteyda
ilmada iga da’aysiyo
imtixaanka i haysta

-ma dhulkaa i ashkateeyey
ma cirkaa iga ajooday
ma badaa igu ugaajay
-ma abdaanan lahayn
ma dab baan isku ogaa
anigu aan isku daaray

-Islaantii curadkeeda
kolkay Eydu cunaysay
ax doraad odhan weyday
-markii ay arki weyday
wax guda oy ku ilowdo
noloshii inankeeda
inay maanta u oydo
inteeday ku sugaysay

-Oori weerku ku raagayoo
geeridii odeygeedu
afaafkay ku banaysay
ninkii owdi lahaa
isagii fadhataystey
yaan u eersa nidhaa

-Ninkii aarsa yiqiinay
haduu aarsaday maanta
uu-fanayskiina guuray
iyana waa iga su’aale
tolow yaa colka eega
loo abaabulayaa
-Tolow yaa ilma-dayday
ulmadeydii u loogayoo
ilma dowgii ka reystay
-Yaa u aana ah maanta
udunteyda halowday
eebadayda ku fiiqan
ayaantay kululaato
kaan u eeran lahaa
-yaa u aana ah maanta

birta layska as-laayiyo
galkey siibtay ableydu
-yaa u aana ah maanta

mar labaad ubadkeena
sidii Ey la guhaadshay
in ilkaha lagu qaado
-Unugtii shaleytoole
isku meesha u jeeday
iminka yaa iska hor jeedshay

-Laba oorya walaaliyo
ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee
-marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo
ilmahayga ku waayo
-mar aan aayo la’aanta
seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado
-mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo
hadaan raystey idhaahdaba
-mar lay oohin u tahay
bal maxaan istafiiday

-Afartii garjahoodba
hadaan soo wada ooday
xageen geela irmaaniyo
markey beeshu haraado
u aroorinayaa

-sow anigu gacmahayga
kuma dheebin ishii
berri loo irkan lahaa
-wixii aan ku if waayey
kuna aakhiro seegay
durba sow ma ilaawin

-Ubaxaan xinjirteydiyo
ka ab-qaalay jidhkeyga
kolkii aan is awaaday
udaabteys iyo ciil iyo
odax sow kama goosan.
haduu geedkii abaaday
markuu oomaba
ubadka dhiiga looga shubaayey
sow ataar li’i maaha

gadhlow awr kala guurtey
la arkee mar kaleeto
in ay ood ku kulmaana
haduu uur kala guuro
sow amuur culus maaha

ololihii halgankeena
cuf u soo wada guulka
dhib waxaan u adkeystay
waxaan is-lahaa mar uun
baad arligaagiyo
iyadoon faqash joogin
kula iidi dadkaadee
kolkii waagu iftiimay
sidaan ahay Ina dhoore
usarkaan ka dhex toosay
indha u daranaa
marka duul asal guuro
in Ilaah ka biyeeyo
dadkoo yaala abaar
haduu roob iba dooxmay
ku bashiisho agteyda
intaan soo ordayaabaa
darku sii engegaa
-Abuur baan ku tabcaa
irfidaan geliyaa
iniin baan ku ridaa
udan bay bixisaa
gooso baan is-idhaa
waa la ii arfacaa

-Abley baan ramiyaa
afeeyaa shirabaa
adhaxdaan is jaraa
oogso baan is-idhaa
afweyntaan u dhacaa

-Afartaa shax dheh maanso
afkaa laysu jaqaaye
sooma qaadin irmaan
-Amba qaadka kaleeto
berigii isticmaarka
taladii la il-duufay
burburkaad aragteeniyo
haday keentay inkaarta
aynigaygu ku dhaaftay
Allana i tusi waayey

-Ana maanta gefkaygu
inuu aasayo miino
ubadkeyga u taala
-Fardowsaay ma arkaayo
rajadaad ulanaysay
waxaan looga ina-aabsanoo
-sidaasaabad itaalka
haddii aad amakaagday
ku ayaan badan tahee
-Aafo waa ta dambeysoo
ifa-faalaha muuqdiyo
ishay leedahay maanta
-waxba yaan af-gobaadine
intay doonto ha gaadho
aramaa qarxi doonta

-Dharaar baa iman doonta
hadaan Eebahay ceymin
afku uu hadal daayo

-Dharaar baa iman doonta
dab munaafaq istaadhay
sidii aayar gubtaa
ama duur olol taabtay
arligoo dhan dhameeya

-Dharaar baa iman doonta
iyadoo is wada weyday
oodo loo rogi doono

-Dharaar baa iman doonta
Imaaraadka sidoodiyo
ninba aag ku go’doomo

-Dharaar baa iman doonta
dadka Sool iyo Awdal ee
Aadanow hagrateen
raacdadoodu adkaato
lagu raadsho ileys

-Dharaar baa iman doonta
irsiqa laysku cidhiidhiyoo
wax la uunto la waayo

-Dharaar baa iman doonta
mujrim oogo madowoo
islaam sheeganayaa
agablaay hambadaada
isa sii kaba raasho
-ku darsoo Axmed-doolow
waxaan ahay xog-ogaaloo
hir fog baan arkayaa
orna waa maqlayaa
waxna way urayaan

Aaminaay waan gabyayaa
nin abwaanana waan ahoo
ereygiisu tuf leeyahay
Hadeydaan i adeecinoo
ergedaan ahay maanta
ka abaal ka dhacdaan
Ilaahay balankii
ibtilaa dhici doonta

Dhulkay eyro ku fooftana
Afrikaan madmadowiyo
ajnabaa degi doona
iyagaa talin doona

-Organkaad didiseen baa
dib idiin qabsan doonoo
-Dharaar baa iman doonta
engag layskugu xiira
oo heeca diida ilmaha
qasab loo aqbalsiiyo

-ciyowgaa alwanaayiyo
tukahaa uuda hayaana
way is calool ogyihiinoo
Qaasinow abti hee dheh
Galow aamusi waayey
haddii aan wax aqaano

-Daruuraha iba-baaliyo
afagaalaha naafiyo
kolkaan moorada eegay
-laaxinkay ku aroortiyo
ninka faalka inkiiskee
ku ab-yeeshay Cibruhu
haddaan eega la baajin
waa sidoo abada ah
-Haddii aad adintaanoo
indhaha dhiig laga keeno
idinkoon sidan dhaamin
-inaad guul urisaan
waa waxaan la arkeynin
Allaahu ma balaqtu
ilaahow markhaati ka ahow

-Afartaa shax dheh maanso
afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan
-Hadey heesi ab leedahay
ama loo oday sheegto
ilaa Xaawiyo Aadan
isir baan u lahaa
-waligey abidkeyna
anoon jiiftada haadin
isha aan ka dhameynin
uumiyaha kuma soorin

-iminkay wada leedahay
muu abwaan wax yidhaahdee
idahaaba diraacda
subaga loo ogolaanine
hadaan aamuso waayo
-khajeelaanse arooryo
hadaan lays inkiraynin
mankoo uunsadey deyr
dhirtu ay arad beeshay
cadceed loo indho kuuliyo
ufo roob subaxeed
araar kaaga sameeyey

-Khajeelaan hal abuurka
anigoo ka shufeer ah
afaraydu jug weeyee
selef kuugu istaadhay

-Khajeelaan tix aroosa
satiyaal la aleeliyo
u af-saaray fujaan

-Khajeelaan sida iida
iigu soo ururteenoo
iyadoo farihiina
Arafoo kale moodo
murtidaaan Odhan lahaa
rag u soo luxiyeystay

-Intii aan kugu oomay
hadaan geed ololeeyo
mar horuu ereygayga
Ilaahay balankii
ku ugbaadi lahaa

-Ohodeyda dadkayga
Rabi baa ka asheedayoo
wuxuun baa indha buuxsha
nin aduunya u haysta
abtirsiimana sheegta
af qalaadna yaqaanoo
isticmaarkii la ceeshay
-Aynigaan ahay oo dhan
wax aqoon ma bidaan
maxaa aabaday yeelay
sida ay u arkaan
siyaasaanu ahayn
la shaqeystay Af-weyne
ama gaalkii ag joogayoo
af-miishaarkii barteen

-Ahey way iyo ciil
umalkayga hiqdeyda
calool oyga nafteyda
ilmada iga da’aysiyo
imtixaanka i haysta

-Anigaa is maqli waayey
orod bay wax i leeyihiin
ololna wuu fahmayaa
ayaamo is gurayaana
way igu fool adag yihiin

-Ahey way iyo ciil
Aaminaay magacey ba’
Asaagay igu wiirsay
inanteydu gumowday
ka irdhoobay shisheeye
ku eedoobay sokeeye
ehelkay ka qalooday
cidna aamini waayey

-Umul dooxa Togdheer
iyo raga Shiikh ku idlaaday
ee Aroori ku le’day
looma ooyaha Saaxil
anigaa ku tol belay

-Cidna eersan maayoo
inkaar baa igu biirtayoo
anigaa isu geystay

-Dharaartii Alle keenana
ayni ii kordha mooyee
caqli iima siyaado
-mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan
waxaan ahay Alle doori
seed dhanina aanay ku oolin

-mudadaan ildarnaana
iyadoo soddon dhaaftay
weli eelka salkiisiyo
uhda boogta nin dhaafa
oo mar uun haakah yidhaahda
indhaheyga ma saarin

-Adinka dhaawac ku yaalana
hadaad hoosta ka dheydo
Aasbaroo wax ma dhaantoo
iyadaa ku lakiikta

-Talana way ashidowday
nin abaaray la diid
nin abraarayna mooyi
meeluu beesha la aadi

-Arinkeena gabdhow
aqbalkeen godliyaana
arligeena kuma noola
-Alif kow ku qaloocday
Al-baqruu ku dhibaaye
mar horaan ka afeeftay
Af-weynoo laga reeyiyo
inaan guudhu ahaynoo
-Bidhaan baad aragteen
baadidiinii u eg’ood
iyadii u qabtaan

-Istiqlaalkii sitiinkii
onkodee di’i waayey
tanina waa isku itaaloo
-Abshirtii wanqasheediyo
axankii tacsideedaa
isku maalin ahaa
-Af-lagaadan maaha
hadaan maanta idhaahdo
odoyaashii la doortay
Anigoon kala reebin
Irbad dun gelin waayey
-iska daa wax kaleetoo
amni noo sugi waaye

Waxna aad uga liita
Ilaah baa i dili doona’e
kuwa buuraha aaday
-isku soo wada xoori
isma dhaanto dhasheediyo
meeshu waa wada ulo miidhanoo
ul la qaato laheyn

-Arin laysku khilaafiyo
ujeedooyinka dhowee
ubucdeedii wadhneydiyo
ictiraafkii maqnaaiyo
ku ilowday dan guud

-Abeesaa laga sheegay
markaan aadmiga fiirsho
aargudaan is idhaa
markaan Eebe jaleecana
awlaadsaan is idhaaye
-Waxaan eeg garan waayey
waxan eeg ka sokeeya

-Rag haduu is af dhaafo
aayatiina wadaago
afkaa laysku gartaayee
is afwaajiya maaha
isu soo ura maaha
-Adigoo hebel diidan
eryo reer hebel maaha
isu weersada maaha
udahaaga cun maaha

-isku soo wada duuboo
inqilaabna xal maaha
anigay igu gudhana
wax la eegto ka weyn
-ana waano ku xiiqey
dharaartii Alle keenana
abhis baan ku jiraa
-Far baan boog ka ag dhow
ka ilaalinayaayoo
hebelaa isku uraayana
anana u rahmanahay
baan weli maynu
adkaane inoo aayara leeyahay

-Mudacyaan afafkooda
anigoo gala-gariirto
isla eeganayaa
arji baan dirayaa
aleel baan ruxayaa
galiyoo dhego awdan
iridaha ku tumayaa
-Sidaasaanan aduunku
bal inaan ahay liid
anigoo gudo haawan
ha I aqoonsado leeyahay

-Waxaan fool eryeyaa
Hal aan Awr ku salaaxinoo
is-moogtii wax ma dhaamo
iyadoon la dalaaqin
wali haantii aslaysa

-Afartaa shax dheh maanso
afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan

-Nin ragi ereygiisana
astaan buu dhigtaaye
Rabow eex ma tiraabine
aqoon haygu cadaabin

-Ambaqaadka kaleetana
ishaa maanta bidhiiqdiyo
ogobeey libinteyda
rag bow u haysta ilaaqe

-Hodaneey marna Aabo
ay ax yaa wadaniiyo
axsaan layguma siinine
-halyeeyaa ku idlaaday
ubad baa u lugo belay
aduun baa ku dhamaaday
khabar baa ka adeegay

-Anigaa rag ugu liita oo
afadeyda sagaal gu’
kamaan soo ag wareegin

-Inagoo kala daadsan
nin u qooqay idiisuna
cirkuu roob ku og yahee

-awadeydii qudhaheydeen
aawadeed ku wad seegay
Aadanow taladeyda
ku adaadurin mayo
Ilaahey ka sokowna
anagaa leh awooda

-Ogolaana ma doono
intuu taago uluunka
nin yidhaahda anaa ah
afweynaanu ka diidnay

-Nin kastoo ana fooda
nin kastoo laba eef ah
ninkastoo is afuufa
anagaa ka shaneyna

-Lays amaahina mayo
Axmed weysa cadoow
cididaa usgageega ha
ogaado nin moog

-Mar nin baan u il-duufay
mar labaadka ilwaad
u ardaa dhigan maayo
nin intuu axdi qaaday
oofin waayeyna daa

-Ololihii lagu laaftay
kuwii uubta qodaayayee
iblayskii ku nabnaa
iyagu way garcadeen
-ana xaasha nin iin leh
wax inaan ku idhaahdo
uma quudho afkeyga

-Uf qabiilka anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi kareynin
una haysta ateero
ayaantuu dambi geystana
laga hoos galo eeda

-Ayid waad is xigtaaniyo
idinkaa isku reer iyo
aqligii lixdankii
maanta iib geli maayo

-sidaan aaminsanahayna
abkuu doono ha sheegtee
wuxuunbaa ehel ii ah
dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya
ee ina midayso ujeedo

-waxaan laysku ogeyn
ninkii hoos ka unkaama
aftideyda ma haystoo
ansax maaha wixiisu

-Arligeynu ku noolnahee
beryaha qaar u ekaa
irama daatal cimaadii
aayadaha lagu sheegay
-Awaaraanka kacaayiyo
ninka maanta ortiisiyo
oohintiisa maqlaayey
ka adkeystay gob maaha
dibna loo igman mayo

-Arliyooyna hiqdaadiyo
orgigii la shireystay
ilmadaadu ka weyne
inagoo xaley baadle
u eegaynay hilaaca
waxa awrta xidhiidhsan
loola aadayo baasle
wax baa nooga iftiimay

-dibna loo igman maayo
nin ishaafalateysatay
oo isagoo inala jooga
arwaaxdiisu walaayiyo
idaafeyto ku nooshahoo
ilina u daban tahayoo
abidkiiba ka reeba
oo dhulka aan wax ka oolin

-Rabi baana na uuntayoo
anana taag uma hayno
ayaan nool hirdin joogta
-oo markay kooxi orgootaba
ma asooli kareynee
abaal baanu ku qabnaaye
amaan uu ma helnaa

-Afartaa shax dheh maanso
afkaa laysku jaqaaye
sooma qaadin irmaan

-sidaasaana itaalka
u af dhuubsanayaayoo
wixii aan odhan lahaaba
mar aan maanta aheyn iyo
ar dambe u dhigo leeyahay
-Waxaanu Alle keenay
waxaan loo adidoonin
oo aayaheenuba maanta
ilig liiqliiqanaayiyo
indhal buu sudhan yahee

-sida xaal u eg yahay
ama waynu adkaanoo
wax jireynu ahaan
ama waynu idlaanoo
dib laynoo arki maayo

-iyadoo wada saran
umadeenuba dooni
ku asqawday badweynoo
injiinkii ka duqeeyey
ayaa reer hebelaay
afka way igala weyn
tahee hadaad leedahay
caqiibo agoonta luxuska ah
horta reer u yagleel

-ubadaasi jajabeysa
ee u uusmiirtey darteed
dib waxay ka ahaataba
ishii cawri taqaaniyo
ka ilaali wad mooyee
wax kaleeto ilow

-asalkeeda banaana
maalintay il xun-tahay
bay ilaah leedahay ceynsha oo
-markaad xeeli amaan ah
kula eersatid beesha
eed aamusiiso rasaasta
-waxaad ulaneyso
anagaaba ku siine
inagoo sidan dhaaniyo
adeerow gacalow
ayaanteeda ha gaadho
haduu Eebe yidhaahdo
lugo aan isku taagno.

– DHAMAAD-

Comments are closed