|

“HIJRO, Waa Marka Dhulka Gaalada Laga Tago Ee Dhulka Muslimiinta La Tago, Laakiin Maanta Maxaa Ka Jira Dunida Muslimka..”? Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka warramay Taariikhda Hijriga iyo Sannadka cusub ee Islaamka ee 1439-ka oo Doraad Curtay.

Sheekh Aadan-Siiro oo Xuska Sannadka Cusub ee Islaamka awgeed khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Taariikhda Hijriga, ayaa ka warramay Taariikhda Higriga bilowgeedu inuu ahaa Wakhtigii uu Nebiyullaahi Muxamed ka hijirooday Magaalada Makka, una Hijrooday Magaalada Madiina, ka dib markii Gaaladii Carbeed halkaa ku dhibeen.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Kow ah Sannadka cusub ee Hijriga ee 1439-ka, oo ah in Maalintii uu Nebigeenna Muxamed (CSW) Hijrooday oo ay ka soo wareegtay 1439 Sannadood. Hijro marka xagga Luqada laga eego waa Dhul laga tago, oo Dhul kale la tago sida uu qoray Caalimka Ibnu Manduur, waxa kale oo Culimadu ku macneeyeen Hijro, inaad ka tagto Dhulka Gaaladu ka taliso, oo aad tagto halka Muslimiintu ka taliyaan, taasaa Hijro la yidhaahdaa, laakiin Maanta waa Cagsigeeda..”

Sheekhu wuxuu taa barbar-dhigay waxa Maanta Dunida Muslimka ka jira  “Maanta maxaa ka jira Dunida Islaamka, in ka badan boqol kun oo Caalim ayaa lagu dilay Waddamada Muslimiinta ah Qarnigii labaatanaad illaa Qarnigan 21-aad, oo Nin walba uu taagan yahay Derajada Ishtihaad, Macnaheedu waxa weeyaan Maanta waxa laga hijroonayaa Duqaaddaa Muslmiintii Baa’biiyey, markaa halkii ay ka ahayd in Qofka Muslimka ahi uu Dalkiisa u soo hijroodo oo uu Dalkiisa wax taro, imika waxay noqotay in Qofku Dalkiisa ka hijroodo.”

Sheekhu wuxuu ka warramay dhibaatadii keentay in Nebiyullaahi Muxamed uu ka Hijroodo Makka oo uu tago Madiina iyo sidii Nebiga iyo Abuu Bakar Sidiiq uga baxeen Makka, markii Nebi Muxamed ay ku soo degtay Aayadda Qur’aanka ah ee ILAAHAY ku fashiliyey Shirqoolkii Gaaladii Carbeed u maleegayeen Nebigeenna Muxamed (CSW).

Comments are closed