|

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg oo Ku Dhawaaqay In Isaga Iyo Beeshiisu ku Biiri doonaan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa sheegay in isaga iyo Beesha uu ka soo jeeda ee Maxamed Daa’uud ay isla garteen inay Xisbiga Waddani ay ku biiraan, waxaanu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye ay Beeshiisu ku hungawday, oo wax alaale waxa uu u qabtay aanay jirin, wax xilal ahna aanu u magacaabin.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka Eryal , ayaa sidoo kale KULMIYE kula taliyey inuu ku qanco natiijada Doorashada, oo uu haneeyo haddii laga helo, waxaanu ugu horeyn isagoo ka jawaabay waxa ka jira inuu Waddani ku biirayo ayaa yidhi “Haa wey jirta, xubno maaha, aniga iyo dhawr qof oo kale maaha, waa beel weyntii Maxamed Da’uud oo dhan ayey xafladoodii noqonaysaa khamiista soo socota haddii ALLE yidhaahdo, waxayna isla garteen Waddani”.

Mar wax laga weydiiyey sababta uu ku kala dooranayo Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, isagoo Abwaan ah, Xildhibaan Guurtiyina ah ayaa ku jawaabay “Labada shaqsi waa laba shaqsi oo sharaxan, waa laba shaqsi oo reer Somaliland ah, laba Xisbi bay ku kala magacaaban yihiin, Waddani iyo Kulmiye, ayaa la kala yidhaahda, Kulmiye inta uu umadda soo hor fadhiistay ayuu ina yidhi sicir bararka waxba kama qaban karo, musuqmaasuqana waxba kama qaban karo, cidhiidhiga aad maanta ku jirtaan iyo cadaalad xumadana waxba kama qaban karo, waxaanu ugu wareegaynaa mid wax ka qabanaya”.

Mar wax laga weydiiyey sababta uu u bedelay mawqifkiisi uu ku taageeri jiray  Kulmiye iyo Xukuumadda ayaa ku jawaabay “Ninka Xildhibaanka ahi, Degmo ama Gobol ama Beel buu ka soo jeeda, oo soo dooratay, Beesha Maxamed Da’uud maalintii uu Kulmiye qabsaday Wasiir bay lahayd, oo waxay lahayd Agaasime guud, oo waxay lahayd Taliye qaybeed, oo waxay lahayd Agaasime waaxdeeyo, maalintii uu Kulmiye soo galay intiiba wey masaxeen, maalintiiba waxaan Madaxweynaha ku bilaabay, Madaxweyne dadkaas wuxuun iga soo celi, maalin walba wuxuu lahaa waar ma dhabaa, haa waar balk a qabta C-V-yada, oo isku shandhaynta dambe aan ku daro, shan sanno markii sidaas la ii maawilinaayey, ee shanti sanno dhammadeen, ayaan yidhi maxaad duraayada ka sii qabanaysaa”.

Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Intii kooxdii faraha badnayd ee Wasiiradda ahi aanay ka soo bixin, ayaan shan iyo toban cisho ka hor idhi dundumadii halkaas bay ka soo qar-qoorantay, wey soo dhacaysa, nacas baa hoos hurda, Kulmiye ayaanu idinku dhicine, iskaga yaaca ayaan ku yidhi shan iyo toban cisho kadib ayaa dacfadii balaadhanayd ee Wasiiradda ka soo yaaceen, markaas bay yidhaahdeen Dheegoow maxaad arkaysay, waxaan yidhi waxaas baan arkaayey”.

Xildhibaan Dheeg mar uu ka hadlaayey Muuse Biixi baa yidhi “Muuse Biixi abti baan u ahay, dabaceedahan uu ku shaqeeynayo maaha wuxuu iska yeel-yeelayo, ee waa wuxuu ALLE u dhaliyey, waxaan leeyahay abtiyo marka la kala badiyo badi ama ha laga badiye dabeecadaadu ha noqoto waan haneeyey, hadad badisana waa lagu hanaynayaa,laakiin waxa laga shaki qabaa, oo dadku wadnaha farta ku hayaa, ninkaasi inuu xabaduun la carari doono, abti wadanku uu wanaagsan yahay oo uu qurux badan yahay ee hanee”.

Comments are closed