|

Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo oo Sheegay in aanay Jiri Karin Cid u Diidaysa Inuu Tago Magaaladda Buuhoodle DAAWO

Buuhoodle 02. March 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Bishii aynu  soo Dhaafnay Koox Jab’had ah oo ka Jirta Magaalada Buuhoodle Ka Hor Istaageen una Diideen inuu Madaarka Magaaladaasi Ka Raaco Diyaarad Isagoo Dalka Jabuuti kaga qayb galayay Wareegii Labaad ee Wada hadalka Somaliland Iyo Khaatumo Taasi Waxay Ku Kaliftay inuu Baabuur Kaga Soo baxo kana duulo Magaaladda Hargaysa.

Kooxda Jabhada ah ayaa dhawaan Sheegay in aanay Ogolaan doonin in Prof Galaydh iyo Xubnihii Weheliyeyba ay Ku soo Laabtaan Buuhoodle Waxaanu Ilaa hada Ku Sugan Yahay Degmada Widh Widh.

Comments are closed