|

‘’Maxaa Iga Galay Nin Geel Badan,Ma Gaajaan Ka Cabsanaayaa+ Kala Qaybsanaanta Somaliland Waxay Fursad Siisay Farmaajo’’ Cali Guray

Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Hadii ay run tahay in Madaxwayne Farmaajo uu gaashaanka ku dhuftay arinkii Saldhigga Milatari ee Imaaraadka waxan u arkaa in qaybsanaanta Somaliland ay fursad u noqotay inu si badheedh ah ugu dhiirado farogelintan tooska ah.

Hadii ay Somaliland muxaafid iyo mucaarid u wada arki lahaayeen Saldhiga Milatari wax danta Somaliland ah oo la is qancin lahaa si fudud Madaxwaynaha Somalia uguma dhiiran kareen inu danta shacbiga Somaliland uga hor yimaado hadii in uun wax rejo ah uu ka qabo xal siyaasi ah oo mustaqbalka lagu soo af jaro khilaafka Somaliland iyo Somalia. Waayo dadka Somaliland waxay u arki lahaayeen madaxda Somalia dad ka xun noloshooda waxanay u qaadan lahaayeen dagaal loo cadaystay(declaration of war) taas oo aynu hubno in cid doonaysa oo Somalia ahi aanay jirin.

Lakiin maanta sida xaalku yahay waynu ognahay in dadka Somaliland arinkan si wayn ugu qaybsan yihiin waayo may helin cid runta uga sheegta oo ku qancisa in danta guud ee la wada leeyahay ay ku jirto Saldhigan Imaaraadka ay dawladda Somaliland u ogolaatay.

Hadalka Madaxwayne Farmaajo laftiisu hadii sida arinka uu u dhigay yahay ” in Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ka codsaday inay ku qanciso Imaaraadka in aan arinka Saldhiga wax horumar ah laga samayn” khasab maaha inu ujeedo faraha ha ka qaado oo gebi ahaanba ka noqoto, balse ha la hakiyo inta la isku soo gaadhayo ee Dawladda Somalia ay dib u eegayso war cadna ka soo saarayso lafteeda way noqon kartaa.

Dabcan Farmaajo wuxu dilaysanayaa in Berbera iyo Somaliland ay sharci ahaan yihiin qayb ka mida Somalia.

Si kastaba xaalku ha ahaato eh qaybsanaanta Somaliland ee arinka Saldhigan Imaaraadka waxa laga yaabaa in dhinac Somaliland ahi u qushuucay una arkeen hiil VITO saari kara Saldhigii Milatariga ey ka dideen.

Comments are closed