|

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayaatulah Cali Khumeyni oo uga  digay Maraykanka  inuu xagal-daaciyo heshiiskii ay dawlada Iiraan la gashay quwadaha waaweyn ee Nukliyeerka

Tehran 18. September 2017 (SDN/QJ):- Ayaatulah Cali Khumeyni wuxuu sheegay in Iiraan ay tahay dal awood leh  oo aanay waxba ka tarayn inuu Maraykanku cadaadis  saaro oo aanay u madaxa u foorarinayn. Ayaatulah Khumeyni wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka Iiraan ay ku eedaynayaan Maraykanku inay yihiin kuwa musuqmaasuq badan, been sheega oo aan daacad ahayn, hasayeeshee ay taasi tahay hal bacaad lagu lisay, oo aanay waxba ka jirin.

Khumeyni wuxuu sheegay in Iiraan ay tahay dal ka daacad ah heshiisyada ay gashay, oo ay wadayso wadadaasi ilaa dhammaadka.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani ayaa dhawaan magaalada New york kaga qaybgalay shirkii golaha amaanka, waxaanu qorsheeyey inuu wada xaajood adag kala yeeshe Qaramada midoobay arrinta heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee la saxeexay sannadkii 2015. Madaxweyne Maraykanka ayaa hore u sheegay inuu laali doono heshiiska ay quwadaha waaweyni la galeen Iiraan, isaga oo ku eedeeyey dawlada Iiraan in aanay u adeecin heshiiskii lala galay.

Madaxweyne Trump ayaa haysta fursad u haysta bisha Oktoobar inuu go’aan kaga gaadho heshiiska lala galay Iiraan, taasi oo sheegaysa bal inay Iiraan u hogaansanaatay heshiiska iyo in kale. Haddii taasi dhici weydana waxa ay xubnaha Kongreesku haystaa muddo 60 cisho oo uu ay cunaqabateyntii dib ugu soo rogo dalkaasi.

Comments are closed