|

Xisbiga midig-fog ee dalka Jarmalka ayaa ku baaqay in la ciqaabo hogaamiyaha Jarmalka ee Angela Merkel maadaama oo ay dalka soo gelisay qoxoonti hal milyan ah oo magangeli doon ah

Berlin 18. September 2017 (SDN/QJ):-Alexander oo ah Hogaamiye ka tirsan xisbiga AFD ee midigta fog ayaa u sheegay wakaalada warark ee Reuters  inay abuurayaan baadhitaan cusub oo lagu diiwaangelinayo qoxoontiga dalka soo galaya ee ay ogolaatay haweenayda Raysal  wasaaraha ka ah dalka Jarmalku.

Alexander wuxuu sheegay inay doonayaan inay baadhitaan gaar ah ku sameeyaan siyaasada Angela Merkel ee dalka Jarmalka soo gelisay hal milyan oo qoxoonti ah, waanu sheegay inay shacabka Jarmalku dalkooda ka noqdaan shisheeye maadama oo dad kale la keenay. Ilaa hadda ma cadda wuxuu hogaamiye Alexander uga jeedo ciqaab. Xisbigan midigta fog waxa la aasaasay sannadkii 2013 waxaanu si dirqi ah ku waayey qayb noqonaysay boqolkiiba shan oo ku heli lahaa inuu ku guulaysto doorshadii Baarlamaanka ee dalkaasi ka dhacday isla sannadkaasi la aasaasay.

Xisbigan AFD wuxuu aaminsan yahay afkaartii Naasigii Hilter, inta badan wax awood ah oo badan kuma laha siyaasada dalka Jarmalka.

Comments are closed