|

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X.Xasan oo Jawaab ka Bixiyey Weedho Fasiraad Khaldan laga Bixiyey oo Caawa ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Waddani Mudane Cirro DAAWO

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Sixitaan ku sameeyay Hadal uu Caawa Warbaahinta siiyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro kaas oo fasiraad kala duwan dhaliyey.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ku dooday in aanay Jirin qaadacaad ay qaadaceen Natiijadda Doorashadda oo ilaa hada ka soo bixin Komiishanka Doorashooyinka waxaanu sheegay in Gudoomiye Cirro Hadalkiisu ahaa sidii uu biniixin lahaa Khaladaad ku yimid doorashaddii Madaxtooyadda balse aanay ahayn inay Xisbi ahaan qaadaceen Natiijadda ka soo bixi doonta Doorashadda ee Komiishanka laga eegayo Waxaa uu Hogaamiye Xirsi  intaas ku daray in Xisbigiisu rajo ka qabo Natiijadda Doorashadda Madaxtooyadda.

Comments are closed