|

Gelinka Hore ee Beri oo Salaasa ah oo Komiishanka Doorashooyinka Qaranku ay Ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Hordhaca ah ee Doorashaddii Madaxtooyadda!!

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):-Waxa Beri oo Salaasa ah ay Komiishanka Doorashooyinka Qaranku Shaacin doonaan Murashixiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Ka soo baxay Doorashaddii Madaxtooyadda ee 13-kii Bishan ka dhacday geyiga Somaliland.

Natiijada ku meel gaadhka ah ee Komiishanku ku dhawaaqi doono waa mid hadaba la sii hayo oo aan xiiso badan xambaarsanayn hasa yeeshee waxay Bulshadu eegaysaa Codadka ay Sadexda Xisbi qaran ee Ucid,Kulmiye iyo Waddani ka kala heleen Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

Shaacinta Natiijada ayaa si Toos ah Waxaa u soo Gudbinaya Warbaahinta kala duwan ee Somaliland iyo Kuwo Caalami ah,Hasa yeeshee arrinta kale ee Dhawaqa Komiishanka ku ladhan ayaa ah in Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu Shaaciyey inay Maxkamadda Sare ee Somaliland u gudbin doono dacwad ka dhan ah Codbixinta doorashadii dhacday 13-kii bishan November.

Comments are closed