|

Horjoogayaasha Ururka Alshabaab oo Wakhti Kooban Gudihii kaga Badbaaday Laba Shirqool

Muqdisho 17.June 2016 (SDN/QJ):-  Waxaa soo baaxaya warar sheegaya in Hogaamiyaha guud ee maleeshiyaadka Al-shabaab Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubeyda) uu ka badbaaday tiraba laba shirqool oo dil ah muddo gaaban gudaheed kuwaasi oo la doonayay in lagu khaarajiyo duqayn dhinaca cirka ah oo loo adeegsanayo qalabkii ugu dambeeyey ee casriga ah dunida.

Al-ShabaabHorjoogaha Kooxda Maleeshiyaadka Alshabaab Axmed Diiriye (Abu Cubeyd), ayaa waxa uu khilaaf adagi u dhaxeeyaa inta badan Saraakiisha ugu sarreysa Kooxda, waxaana lasoo warinayaa in cabsi xoogan ay ka heysato dhanka Saraakiishaasi marka laga yimaad labadan weerar oo la sheegay in uu Maraykanku qorshaynayay balse aan sidii loogu talo galay u dhicin.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Axmed Diiriye, ay shirqoolkaasi u maleegeen xubno ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah, kuwaasi oo qaarkood xabsi la dhigay iyada oo aanaynayo in ay jihooyin shisheeye la shaqaynayeen si uu u fulo qorshaha dilka ah ee masuulkani.

Khilaafka ugu badan ayaa ah mid ka dhexeeya Axmed Diiriye iyo Ninka lagu magacaabo Mahad Karataay, waxaana iminka la sheegayaa in Hogaamiyaha kooxda Alshabaab uu usbuuciiba mar iska bedelo ilaalada kalsooni darro kaga timid dhanka Saraakiisha kale awgood.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xilli ay maleeshiyadla Alshabaab u kala jabeen dhowr qeybood kuwaasi oo siyaabo kala duwan uu dagaal u dhexmaray. Waxaana xusid mudan in koox ka tirsan Alshabaab ay hore u iclaamiyeen in ay mubaayaco la galeen khilaafada Islaamiga ah ee Daacish oo ay u hogaansan yihiin hogaamiyaha ISIS Mudane Al-baqdaadi.

Khilaafkan ayaa muddoba soo jiitamayey u dhaxeeya madaxda sare ee Kooxda Al shabaab.

Comments are closed