|

Hudheelka Cuntada Ee Ugu Wanaagsan Adduunka Sanadka 2017ka !

Melbourne 10. April 2017 (SDN/QJ):- Hudheelka Cuntada ee magaciisa la yidhaahdo Elven Madison Park ee ku yaalla Dalka Maraykanka ayaa noqday Hudheelka ugu wanaagsan Hudheelada waxa laga cuno ee Adduunka, kaasi oo lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay magaalada Melbourne ee Dalka Australia in hudheelkaasi uu sidaasi ku noqday hudheelkii koowaad ee laga leeyahay Dalka Maraykanka ee laga soo bilaabo sanadkii 2004tii ilaa haatan noqda hudheelka ugu wanaagsan Adduunka.

Sidoo kale mid ka mid ah cunto kariyayaasha Hudheelkan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kaalinta uu hudheelkoodu ku guuleystay, Hudheelkan ayaa waxa uu ku yaallaa xaafada Manhattan celceliska qiimaha uu wax ku iibinayaana waa $295 sida lagu soo bandhigay Bloomberg.

Qiimaynta Hudheelkan waxa ka shiray ilaa iyo Kun Dabaakh, waxaanay xaqiijiyeen in uu kaalintaasi u qalmo.

Comments are closed