|

Sucuudiga : Neef Orgi Ah Oo Lagu Iibiyay Qiime Dhan 50 Kun Oo Dollar !

Riyadh 10. April 2017 (SDN/QJ):-Dalka Sucuudiga ayaa waxa had iyo jeer aad looga xiiseeyaa dhaqashada iyo iibsashada xoolaha kala duwan, balse iib aan hore loogu arag dalkaasi ayaa lagu kala iibsaday hal Orgi.

Dhacdadan ka hor waxa lasoo bandhigay diig lagu iibinayay lacag dhan 20 kun oo Dollar,  waxa kale oo aad u layaab badnaa in isla goobtii lagu soo bandhigay Neef Orgi ah oo loogu tallo galay in lagu Iibiyo lacag dhan 185 kun oo Riyaal oo  u dhiganta 50 kun oo dollar, arrintan aadka u layaabka badan ayaa waxa aad uga soo hor jeedsaday dad badan oo ku nool dalkaasi Sucuudiga, waxaanay sheegeen in aad loogu tallax tagay qiimaha lagu kala iibsanayo xoolahan oo ah mid aad u xad dhaaf ah.

Comments are closed