|

“Idin Odhan Mayno Sida Qolada Kulmiye Guusha Soo Raaca Ee Waxaan Idin Leenahay Guusha Nala Dhaliya,Faysalna u Codeeya anagana Noo Badiya” Hogaamiyaha Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Xaflad soo dhawayn ah u sameeyay Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Sallaxley oo cadeeyay inay ka baxeen Xisbiga Kulmiye Isla markaana ku biireen Xisbiga Waddani.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X.Xasan ayaa Khudbad dhinacyo badan leh halkaas ka Jeediyey ‘’Waxaan leeyhay Xildhibaanada sharafta leh soo dhawada ee is bedelka muujiyay ee is bedelka isu taagay ee hor kacaya salaxlay ee doonaya in ibedel la dhaliyo waxaan leenahay soo dhawaada isbedel baynu wada dhalinaynaa isha allaahu tacaalaa.

idin odhan mayno sida qolada kulmiye guusha soo raaca ee waxaan idin leenahay guusha nala dhaliya kaama buuxee halkan waa lagaaga baahan yahay waxaan leenahay reer Salaxley sidaa xildhibaaanadu muujiyeen idinkuna ka dhabeeya maadaama aad tihin dadkii soo doortay oo isbedelka u codeeya.

Kulmiye wuxuu jecel yahay inuu yidhaahdo wax baan qabtay laakiin wadadan aan soo marnay ee Sallaxley ee aanu dhisi jirnay in la yidhaahdo kulmiyaa qabtay bay doonayaan markii kulmiyaha cusubi yimi bay istaagtay dooni maayaan. waxaan leenahay madaxdu waxay la timaadaa baa ma badhaadhe iyo barkhad qaar cusub baa loo cimaamadoo la leeyhay waa la dooranayaa madaxwaynha waanu ku mahadinayanaa anana waanu kula shaqaynayney idina waad ogaydeen oo waatii wadada laydiin dhisaayey kuwa cusub ee codka idinka doonayaa wadadii bay idinka joojiyeen saw maaha mid qudha oo socotaana ma jirto waxayna doonayaan intii hore ee aanu dhisnay ay sheegtaan oo cod idinkaga. doonaan waar miyaad maqlaysaan.

waxaa jirta in la kordhiyay dhaqaalaha xiligii aanu jooganay waxaa la gaadhsiiyay in uu maaliyadu kordho aad u korodho miisaaniyada dalku balse shilinkii llixda kun ahaa wuxuu gaadhay eek u qiimaysnaa sadex boqol oo milyan ama laba boqol oo milyan la gaadhsiiyo wuxuu noqday hada shilinkii tobonkun oo boqolkiiba konton ama afartan wax ku dhaw ayaa kordhay markaa maaliyadii ahayd laba boqol iyo kontonka milyan waxay kusoo dhacaysaa boqol iyo lixdan ama todobaatan wax la mida markaa kulmiiye dooni maayo haday si fiican u socotay oo wasiirka maaliyadu khayr qabay balaayada u timi ee arintii kharibtay ee halkaa gaadhsiisay in la sheego dooni maayo wuxuu doonayaa in la yidhaahdo kulmiyaa wax qabtay.

Kulmiye wuxuu doonayaa Dekadii Berbera inuu yidhaahdo DP-world baanu keenoo waanu horu marinay inay xidhan tahay oo ay sadex bilood maraakiibtii taagnaayeen oo maantana xidhan tahay oo albaabada loo laabay. markaa waatii la lahaa khyr baa la gaadhayaa oo horu mar baa la gaadhayaa miyaynu haynaa markaa anagu dee DP-world waxba maagi mayno oo de dunida oo dhan bay ka shaqaysaaye dee kulmiye uunbaa leh waxay xumayso ileen yagaa inoo keenee.

waxaan leeyahay anaga waxaad nala tijaabisan Cabdiraxman oo isha allaahu tacaalaa Dalka hogaamin doona oo aanu jecel nahay in ilaahay ku guuleeyo oo hanto kursiga umadana cadaalad ku dhaqo oo horu mar gaadhsiiyo iyo waxay tabayso waxaan leenahay taas ayaan kuwadanaa oo anana isku bar bar taagaynaa idinkkuna nala tijaabiya isha allaah.

Comments are closed