|

Somaliland oo Lagu Daray Dalalka Doorashooyinku ka Dhacayaan Sannadkan

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Sannadkan 2017 ee sii dhammaanaya dalal badan oo Afrika ah, ayaa doorashooyin ka dhacayaan, dalal kalena doorashooyinkii ka dhici lahaa dib ayay u dhaceen.

Barnaamij lagaga hadlayay doorashooyinka Afrika ee sanadkan dhacaya iyo kuwa dib loo riixay oo ay baahisay Idaacada BBC-da barnaamijkeeda Focus On Africa, horaantii bishan ayaa Somaliland lagu daray dalalka doorashada madaxtooyadu ka dhici doonto dabayaaqada sanadkan 2017, sidoo kale dadlka Kenya, Ruwanda, Liberia, Dr. Congo, iyo kuwo kale ayaa laga sugayaa in doorashooyin ka dhacaan.

Sida warbixinta lagu sheegay dalal kale oo lagu waday in ay sanadkan doorashooyin ka qabsoomaan ayaa dib loo riixay ilaa sanadka 2018-ka, sida Zimbabwe, Sudan, Koonfurta Sudan, Algeria,Togo,Gini Bisaw, iyo wadamo kale. Doorashooyinka Afrika waxaa hadheeya murano dhinaca natiijada ah, wakhtiga oo dib loo dhigo iyo madaxda Afrika oo distoorka beddela marka wakhtigooda doorashadu dhammaado.

Somaliland caalamku wax badan kama yaqano, hadana sida lagu sheegay warbixinta doorashada ka dhacday Somaliland sanadkii 2010, waxay ka wanaagsanayd dalal badan oo Afrika ka mid ah.

Laba doorasho oo dhinaca madaxtooyada ah ayaa ka dhacay sanadihii 2003 iyo 2010 doorashooyinkaasina waa ay ka nabad-galeen muran iyo qalalaase.

Doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday sanadkii 2010 , waxay ka wanaagsanayd dalalka, Gini, Ivory Coast, iyo Kenya oo ay doorashooyinkii ka dhacay ay muran iyo qalalaase hadheeyeen. Doorashada madaxtooyada Somaliland ee sanadkan waxaa ay u qorshaysan tahay in la qabto bisha November ee sanadkan 2017.

Doorashadii Kenya ee dhacday 8-dii bishi August ee 2017 , ayaa horaantii bishan natiijadii ka soo baxday maxkamada sare ee dalalkaasi meesha ka saartay, laakiin doorashadii Ruwanda oo aad laga cabsi qabay, ayaa si nabad ah ku dhammaatay, waxaana la doortay madaxwayne Paul Kigaame  oo markii saddexaad la doortay, laakiin wadanka DR.Congo ayaan muran doorashadiisu aanu dhinacna u dhicin waxa lagu waday inay dhacdo bishii August ee la soo dhaafay.

Bishii Oktobar ee soo socota waxaa la eegaya doorashooyinka Liberia iyo Kenya oo mar kale la qaban doono.

Doorashada Kenya ayaa laga cabsi qaba, laakiin doorashada Liberia waxaa la filaya inay nabad-galiyo iyo muran la’aan ku dhacdo.

Gabadhii madaxweynaha ka ahayd Allen Johsan Sirleaf ayaa ka hadhay tartanka kadib markii ay dhamaysatay labadii xlili ee Distoorka u ogola. Sidoo kale Somaliland madaxweynaha xilka haya ayaa ka hadhay doorashada taasina waxa laga yaaba inay dhisto kalsoonida xisbiyada tartamaya iyo gudiga doorashooyinka.

Comments are closed