|

Ilaa Laba Milyan oo Xujaaj ah Isla Markaana Gudanaya Waajibka Xajka oo Maanta Taagnaa Buurta Jamalu Carafo

Maka 31. August 2017 (SDN/QJ):- Dad Muslimiin ah oo kor u dhaafaya illaa Laba milyan oo ruux ayaa maanta dul taagnaa Buurta loo yaqaano Carafa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaalla caalamka Islaamka, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee asaaska u ah Islaamka ayaa sanad walba ka dhaca magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga sida Maka Al Mukarama, Madiina Al Munawara iyo kuwo kale, iyadoo Ma’suuliyiinta boqortooyada Sucuudi Carabiya ay sheegeen in sanadkan uu aad u yaraa dadka ku dhinta isbuurashada iyo dhibaatooyin kale oo dadku ay la kulmi jireen sanadihii hore ka dib markii la balaariyey dib u habeyna lagu sameeyey goobaha ugu badan uu dhibaatooyinka qaar ay ka dhici jireen.

Dowlada Sacuudiga ayaa sanad walba waxay balaayiin dolar ku bixisaa sidii ay qaabka ugu wanaagsan ugu gudan lahayeen Xajka dadka faraha badan ee gudanaya waajibaadkaas diiniga ah, iyagoo u diyaariya gaadiid, meelo ay degaan iyo isbitaalo wareega oo la tacaalaya dadka xujeyda ah ee xanuunada deg deg ah ay ku dhacaan iyo adeegyo kale.

Kumanaan Ciidamo oo ammaanka ilaalinaya ayaa la dhigay goobaha waajibaadka xajka lagu gudanayo.
Xujey badan oo Soomaali ah ayaa sanadkan ka qeyb galaya waajibaadka Xajka kuwaasoo kor u dhaafaya 10 kun oo ruux oo ka kala yimid gudaha dalka iyo wadamada caalamka, waxaana ka mid ah culumaaudiin iyo masuuliyin ka tirsan dowlada Somalia.

Maanta oo ku beegan maalinta Sagaalaadka bisha Dul-Xaj, ayaa waxaa sooman inta badan muslimiinta aan ka qaybgelin Xajka ee ku kala nool daafaha caalamka, waxayna Alle ka baryayaan inuu u dhaafo dambiyadii ay horay u galeen, iyadoo Maalinta beri ahna ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa oo dunida Islaamka oo dhan si weyn looga dabaaldago, waxaana dunida Islaamka ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta ciiddal adxaa.

Comments are closed