|

Ilaahay Ha U Naxariistee Fannaan Maxamed Faarax Xirsi oo Hargaysa Ku Geeriyooday & Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Tacsi u Diray

Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo aabihii  Jaamac Cali Guuleed uu ku geeriyooday 01/03/2017 magaalada hargeysa. sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Comments are closed