|

Imaaraadka: Dawlada Hoose Ee Shaariqa Oo Wado Dhismaheedu Socoto U Joojiyay Geed Laba Qarni Jiray !

Dubia 24. April 2017 (SDN/QJ):- Dhirta oo ahmiyad weyn u leh nolosha iyo billicda magaalooyinka oo ay waajib tahay in la beero oo la dhawro oo la xaq siiyo dhirta ku beeran waddooyinka harreerahooda.

Haddaba, Dalkaasi Imaaraadka carabta gaar ahaan magaalada Shaariqa ayey ka dhacday arrin aad ugu yar guud ahaan Dunida oo ah inay Dawlada hoose ee shaariqa go’aan ku soo saartay in waddo dhismaheeda gacanta lagu hayey laga leexiyo dhinacii ay u socotay sababtoo ah waxa halkaasi ku yaala Geed lagu qiyaasay inuu jiray ilaa 200 oo sano.

Dawlada hoose ee Shaariqa ayaa tallaabadani qaaday markii ay Injineeradii dhisayay waddadaasi sheegeen in Geedka ku yaalla halkaasi iyo waddadu iska hor immanayaan, sidaasi awgeedna lagamamaarmaan tahay in la jaro geedkaasi ama dhinac kale looga wareego.

Madaxda Dawlada hoose ee Shaariqa ayaa soo saaray go’aan ah in dhinac kale looga wareego oo aan la taaban geedkaasi.

Run ahaantii waa tallaabo aad u wanaagsan oo ina tusinaysa in Dhirta ku beeran Dalkeenu ay inagu leedahay xaq waajibna inagu tahay in aynu illaalino.

Comments are closed