|

Britain : Kabaha Cidhibta Dheer Oo Lagu Soo Rogay Haweenka Ka Hawlgala Shirkadaha Iyo Go’aanka Dawladu Ka Soo Saartay !

London 24. April 2017 (SDN/QJ):- Haweenka ku dhaqan Dalka Britain ayaa dacwad ka dhan ah dhammaan shirkadaha ka hawlgala dalkaasi ee ku soo rogay haweenka u shaqeeya inay soo xidhaan kabo cidhbo dhaadheer.

Xukuumada Dalka Britain ayaa diidmo qayaxan ka soo saartay go’aankaasi ah inay Dumarku shaqada u soo xidhaan kabo cidhib dheer leh, waxaana ka bilaabmay Dalkaasi olole aad u ballaadhan oo ay hoggaaminayeen haween tiro badan oo doonaya in loo daayo kabahooda cidhibta gaaban leh oo laga daayo go’aankan go’aamkan cusub ee ah inay shaqada ku yimaadaan kabo cidhib dheer leh.

Haweenka ugu cadcad ee ka qayb qaatay ololahan waxa ka mid ahaa haweenayda Jillaaga ah ee magaceeda la yidhaahdo Thorb waxaanay tidhi “Waxa xukuumada ku waajib ah inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado arrimahan oo kale waayo waa arrin aad u muhiim ah”.

Go’aankan shirkadaha Dalkaasi ku soo rogeen haweenka u shaqeeya ayaa noqday mid aad u layaab badan, kaasi oo ay kala kulmeen xukuumada Britain go’aan ku noqday Waji Gabax kaasi oo go’aankoodii waxba kama jiraan ka dhigaya.

Comments are closed