|

In Ka Badan 50 qof oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Puntland

Garowe 08. June 2017 (SDN/QJ):- Tiro ka badan 50 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo Aroornimadii maanta oo Khamiis ah ku dhaxmaray ciidamada daraawiishta Puntland iyo Al-shabaab deegaan lagu mgacaabo Af- Urur oo ka tirsan gobolka Bari.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in Aroornimadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen xero ciidamada daraawiishta Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-Urur oo qiyaastii 105 km dhinaca Koonfur galbeed ka xiga magaalada Boosaaso.

Labada dhinac ayaa la sheegay in uu dhaxmaray dagaalkii ugu cuslaa ee waayadii ugu danbeeyay ka dhaca deegaannada Puntland kaa oo sababay khasaare dhimasho oo baaxad leh.

Meydadka labada dhinac ee dagaalka ku dhintay ayeey goob joogayaal sheegeen in wali ay yaallaan goobihii lagu dagaallamay.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa siddoo kale waxaa ka mid ah saddex sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland.

Afhayeen u hadlay xoogagga Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Af-Urur ay ku dileen 61 askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Laakiin wasiirka amniga dowlad gobolleedka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa beeniyay sheegashada Al-shabaab ee ah in ay laayeen ciidamo ka tirsan Puntland.

‘’Waa been ciidamada dowladda waa ay iska difaaceen weerarka, dadka ay laayeen ee isbitaallada yaala waa dad shacab ah’’ ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka ay dileen Al-shabaab ay ka mid ahaayeen odayaal dadka deegaanka ah, madaama ayuu yiri dagaalka uu ka dhacay bartamaha tuullada.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Carmo ayaa dhinacooda warbaahinta u sheegay in la dhigay isbitaalka degmada tiro ka 20 ruux oo ku dhaawacmay dagaalkii saakay dhacay.

Comments are closed