|

Somaliland: Maxaabiis Ku Muddo-dhaafay Xabsiyada Dalka Oo Loo Raadinayo Cid Ka Bixisa Deyn Loo Haysto 

Hargaysa 08. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha keena in Maxaabiista ku jira Xabsiyada kala duwan ee Somaliland, ay qaarkood xidhnaadaan wakhti ka badan intii lagu xukumay oo ay ku muddo dhaafaan.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Safar ku jooga Dalka Sweden ayaa sheegay in Sababaha keena in Maxaabiista qaarkood xidhnaadaan Muddo ka badan intii lagu xukumay, waxaanu sheegay in Dadka Xabsiyada ku muddo-dhaafaa yihiin Dadka u xidhan Kiisaska Madaniga ah, sida kuwa u xidhan Deyn ama Lacag lagu lahaa, waxaanu sheegay inay jiraan Dad badan oo Xabsiyada ugu Caddilan Deyn khafiif ah oo ay iska bixin kari waayeen.

Wasiirka oo Wareysi dheer siiyey Telefiishanka SAAB, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Heerka Cadaaladda Somaliland marayso wuxuu yidhi “Khilaafku Nolosha ayuu ka mid noqday, meel uu khilaaf yimidna waxa imanaya Damac, Gar eexatana la waayi maayo, Qof Awood sheeganaya oo Awooddii isticmaala la waayi maayo oo Dadka ILAAHAY ma simin, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu nidaamka dhamaystirno (Saxno).”

Wasiir Cadarre wuxuu ka hadlay ahmiyadda uu ku dhaqanka Sharcigu u leeyahay Ummadaha, isagoo tusaale u soo qaatay Dalka Sweden ee uu safarka ku joogo, “Imika waddanka aad joogtaan (Sweden) haddaad dariiqaa marto Sharcigaa laga baqanayaa, Masuul ha ahaado ama Qof Shacab ah ha ahaadee, Waayo? kii Masuulka ahaa hadduu khaldamo Ganaaxii wuu leeyahay, Cid daba cararaysa oo (Xukunka) ka khafiifi leh la heli maayo, waxaana Nidaamkaa Suurto-geliyey.”

Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo la waydiiyey waxay ka qabteen Cadaaladda iyo heerka lagu kalsoonaan karo isku xukunka sharciga, ayaa ku jawaabay “Markaynu faanayno ee aynu Nidaamyadii hore (Xukuumadihii hore) tusayno inaynu Cadaaladda wax ka beddalnay, ku fogaan mayno ee  Cadaaladda Somaliland waxay maraysaa intaa Hay’adaha Caalamiga ahi ku sheegeen, taasi oo ah in ku dhow 60%, Anigu’se waxaan u arkayaa in boqolkiiba labaatan aynu marayno, oo boqolkiiba 80 inoo dhiman tahay.”

Wasiir Axmed Faarax Caddarre oo sidoo kale wax laga waydiiyey jiritaanka Dad badan oo Xabsiyada ku jira Muddo ka badan intii lagu xukumay isla-markaana ku muddo-dhaafa ayaa ku jawaabay “Way jirayaan (Dad Xabsiyada ku muddo dhaafay), Waayo? waxa jirta xuquuqdii Madaniga ah ee Maalka ah iyo xadhiggu waa kala laba. Markaa waxay ku xidhan tahay Cidda deynta ku leh (Qofka xidhan), laakiin wixii Qaranku ku leeyahay Maxkamadda sare way ka cafiyi kartaa, laakiin wixii deyn ah ee Qof ku leeyahay Qofka xidhan (Lagama dhaafi karo), oo xaqa Qofka kale (ee deynta ku leh ka xidhan) laguma Tacadiyi karo, taasina waata Xilliga Cafisyada la bixinayo ee Ramadaanta oo kale ah keenta (inaan xilliyada Maxaabiista la cafiyeyo aan lagu darin Dadka Deynta u xidhan).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Dadka u soo jeediyey inay Dadka Xabsiyada ugu xidhan Deymaha lagu leeyahay laga bixiyo oo Xabsiyada laga soo daayo “Aniga oo fursaddan ka faa’ideysanaya, waxa jira Dad badan oo Cadilan oo jeelasha ku xidhan oo loo haysto Deyn yar oo khafiif ah, markaa waxaan u sheegayaa in Dadka Sadaqada iyo Zekada bixiya inay meelahaasi yihiin meelaha ku bixi karto, markaa waxaan codsigaa u gudbinayaa Dadka Reer Somaliland iyo Dadka kale Muxsiniinta ah inay Bisha Ramadaan uga faa’ideystaan oo Dadkaa Masaakiinta ah ee Deymaha yaryar u caddilan in Xadhiggaa loo iibiyo oo laga siidaayo (Xabsiyada), wixii ku saabsan Ganaaxa Dawladda waad Maqasheen oo si joogto ah ayuu Madaxweynaha Somaliland ugu fidiyaa Cafis guud”.

Comments are closed