|

“Inta la Waday baa Nin Carab ah la siiyay, intay Odayga Heshiiyeen, Shacabka waxa laga Dhaadhacshay wuxu Furayaa..” Siilaanyo

Hargaysa 19. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka hor intii aanu ku guulaysan hogaaminta taladda dalka ee uu ku jiray halgankii mucaaradnimo ee uu ugu ordayay hanashada kursiga uu maanta ku fadhiyo, dooddihiisu way caddaayeen, isla markaanna wax badan oo maanta Xukuumaddiisa lagu dhaliilsan yahay hore ayuu uga sii hadlay.

 

Haddaba aan dhugano dhawrkan wasladood oo uu Ogaal ka soo garoocday badheedhayaashiisii mucaaradnimo. “Waxaynu maqalaa macaadiin baa loo siiyay, maxaa macaadiinta loo siiyay?Waar ma caqli baynaan lahayn, waynu ognahoo dunidda dal aan la ictiraafsanayn…. Dunidda shuruuc caalamiya baa jirta, dal aan la ictiraafsanayn ciddi macaadiintiisa soo saari mayso, waa been, macaadiin laguu soo saarayaa ma jirto. Kuwa saliidda kuwii berrigii hore la wada  siiyay oo miidhan baa meel ugu wada xidhan. Waxaa la wada siinayaa waa in qashinka nugliyeerka lagu qabo meelaha la qaadanayo, balook hebel baanu qaadanaynaa, baloog hebel baanu qaadanaynaa, waar waxay soo saareen miyaa aragteen maalin walba qaar la baxsho baa maqashaane, sun baa lagu daadinayaa oo la gaynayaa dhulka, wax kale oo looga jeeddaa ma jirto, wax ciddi kuu soo saaraysaa ma jirto.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyihii Kulmiye ee shalay, maantana ah Madaxweynaha Soomaaliland.

Mar kale Axmed Siilaanyo oo xiligaa uu mucaaradka ahaa ka hadlaya arrimo kala duwani wuxuu yidhi; “Xoolihii noollaa ee weligiin intaynu ifka ku noolayn xoolahaa nool baa inoo ahaa waxaynu dibadda u dirro, ila waqtigii Siyaad barre ee ugu adkaa ee ina soo maray ee uu hay’adda dhan u samaystay, waxa qudha ee la taaban kari waayay wuxuu ahaa ganacsiga xoolaha nool, waa kuwii shacbigeenu u diri jiray carabta. Qofkaa iyo neefkaa iyo suuqiisu waa isku xidhnaayeen, maanta inta la waday baa nin carab ah la siiyay, intay odayga heshiiyeen, nin baa loo xidhay, ninkaasi wuxuu yidhi maxjar baan idiin samaynayaa, Berberaan soo noolaynayaa, Berberay ka dhoofayaan.”

 

“Inta imika Berbera la keeno, ayaa markay Berbera marayaan xoolihii, inta laga lugaysiiyo ama baabuur lagu qaado ayaa Jabuuti laga dhoofshaa, heshiisna waxa lagula galay Nin Carab ah, sababta ummadda laga dhaadhacshayna waxa weeye wuxuu innoo soo furayaa Suuqii Sucuudi Areebiya. Birtii Tumaaluhu Tumi jireen la wada ururi, xabbadi kama taallo, la gadyoo socotay. Kaluunkii Badda waxba kama yaaliin. Kaluunkii Badda waxa la siiyay dad ajnabi ah baa la siiyay, qaar baa xaaraan lagu ugaadhsadaa.” SIdaa ayuu yidhi Siilaanyo, wakhtigaas.

 

Waxaanu Axmed-Siilaanyo oo sii watay hadalkaas intaas ku sii ladhay; “Markaa, horta hawlo fara badan baa dalka ka socda, shacbigu maanta waxaan aaminsanahay wuu dareensan yahay, wuu arkaa, marka la i waydiiyo ee taageerayaasha Kulmiye i waydiiyaan doorashadii waxaan idhaa,  waxaan ku kalsoonahay maanta shacbiga reer Somaliland wuu og yahay, boqolkiiba boqol buu arkaa xaaladda dalka maanta nin loo tilmaamayaa ma jirto.”

 

Xigasho Wargeyska Ogaal

Comments are closed