|

Inta uu Xaday ayuu hadana uga Tagay Qoraal ka farxiyey!!

Hargeysa  27. September 2017 (SDN/QJ):- Muddo yar ayaa ka soo wareegtay arooskooda lamaanhan keligood degan guriga, gaadhigooda oo guriga ay hor dhigteen ayaa laga xaday.

Iyagoo raadintiisa ku jira ayaa maalintii labaad tuugii xaday isago soo nadiifiyay oo maydhay uu soo dhigay isla guriga hortiisa.

Ninkii Markii uu gaadhiga furay wuxu ka helay warqad qoraal ah oo kelmadahan ka kooban: “ Waan ka xumahay aniga ayaa kaxasytay gaadhiga maxaa yeelay gabadhayda oo foolanaysa ayaan ku geeyay Isbitaalka mana haysan gaadhi. Hadda waxaan kursiga danbe kuu saaray hadyad adiga xaaskaaga, taasi oo ah tigidhkii aad filimka ku gelaysaan caawa iyo xalwadii aad ku cuni lahaydeen.

Ninkii wuu ilka cadeeyay waana farxay, isaga xaaskiisuna waxay ku farxaday weedhaha iyo hadyadda. Habeenki markii ay filimka tegeen waxay soo noqdeen gurigii oo gebi ahaantiiba la xaday iyadoo ay u yaaleen alaabooyin kaba qaalisan gaadhiga.   Xirfadaha tuugtu waa kuwo yaab leh. Gaadhiga dhan wuxu uga jeeday inuu guriga xado.

Comments are closed