|

Xoghayihii Hore ee Qaramadda Midoobay oo Shiinaha ka Dalbaday inuu Talaabo Dublamaasiyadeed u qaado dejinta Xiisada Colaadeed ee Gacanka Kuuriya

China  27. September 2017 (SDN/QJ):- Xoghayihii hore ee Qaramada midoobay Mr: Baankii Moon, oo ku sugan caasimada kuuriyada koonfureed ee Siyool ayaa ugu baaqay dawlada Shinaha in waqtigan  looga baahan yahay in ay dadaal xoogan u gasho sidii loo dajin lahaa xaalada colaadeed ee ka jirta gacanka kuuriya, isagoo tilmaamay in arintu marayso meel halis ah.

Mr: Baankii Moon, waxa uu intaasi raaciyey in hanjabaadaha ka soo yeedhaya madaxda waqooyiga kuuriya iyo madaxweynaha maraykanka ay tahay mid sii hurinaysa colaada ka jirta gobolka, isagoo ku taliyey in arinta hab masuuliyad iyo diblomaasiyad ku jirto loo furdaamiyo lagana fogaado arimo keeni kara dagaal si kadis ah u dhaca gobolka.

 

Xiisada colaadeed ee ka jirta gacanka kuuriya waxa ay sii xoogaysatay markii waqooyiga kuuriya sheegtay in ay dhulka soo dhigi doonto diyaaradaha maraykanka, haddii ay ku xad gudbaan hawada waqooyiga kuuriya amba meelo ka baxsan soo galaan, arintaasi oo ku abuurtay maraykanka iyo koonfurta kuuriya welwel xoogan.

Comments are closed